Riyo maalmo kooban jirtay oo ahayd in ay la saxeexdaan xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ka burburtay, kaddib markii uu maalqabeenka reer Qatar ee Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani uu ka tanaasulay iibsiga Manchester United oo uu waqti badan isku dayay, balse ay qoyska reer Glazer hordhigeen shuruudo sababay inuu joojiyo damaciisa Red Devils.
Sheikh Jassim ayaa doonayay in uu keeno kooxda weeraryahanka PSG ee Kylian Mbappe oo uu ula diyaar ahaa lacag badan oo ku qancin karaysay inuu yimaaddo Old Trafford, taas oo ay taageereyaasha kooxduna si weyn usoo dhoweeyeen.
Bilyaneerka reer Britain ee Jim Ratcliffe ayaa la sheegay in uu hadda iibsanayo 25% saamiyada Manchester United, taas oo ka dhigan in qoyska reer Glazer ay sii ahaan doonaan mulkiileyaasha naadiga ee haysata 75%.
Manchester United oo suuqa iibka la dhigay bishii November ee sannadkii hore, ayaa dalabka ugu wanaagsan waxa ula yimid Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani oo bixinayay ku dhowaad 6 bilyan oo dollar, deymaha lagu leeyahay naadiga oo ka badan 1 bilyan oo uu nadiifinayay, garoon cusub oo tababar oo uu dhisayay iyo in uu ballan-qaaday saxeexyo waaweyn oo uu ku jiro Kylian Mbappe.
Si kastaba ha ahaatee, dhamaan filashooyinkii jamaahiirta United ayaa hadda meesha ka baxay, waxaanay qirsan yihiin in haddii la waayo Sheikh Jassim, in aan la helaynin Kylian Mbappe.
Be the first to comment