Benjamin Sesko Oo Albaabada Ka Xidhay Arsenal & Chelsea – Muxuu Yeelayaa Mikel Arteta?


Weeraryahanka reer Slovenia ee Benjamin Sesko ayaa go’aan adag ka qaatay Arsenal iyo Chelsea oo si weyn u doonayey, waxaana uu heshiis cusub u saxeexayaa kooxdiisa RB Leipzig, taas oo Gunners iyo Blues ku qasbi doonta inay meel kale ka raadsadaan weeraryahannada ay u baahan yihiin.

Benjamin Sesko oo ay da’diisu tahay 21 jir ayaa sameeyey korriin ciyaareed oo cajiib ahaa sannadihii ugu dambeeyey, waxaanu soo jiitay kooxo waaweyn oo reer Yurub ah oo intooda badan ka dhisan horyaalka Premier League.

Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey, in Benjamin Sesko uu sii joogayo kooxdiisa RB Leipzig oo uu waliba u saxeexi doono heshiis cusub oo muddo dheer kusii hayn doona kooxdiisa, balse waxa naadiyada waaweyn ay mar kale damacooda gudbin karaan xagaaga dambe.

Sesko oo RB Leipzig ay xagaagii 2022 kaga soo iibsatay RB Salzburg lacag dhan €24 milyan oo Euro ayaa xilli-ciyaareedkii tegay waxa uu u saftay 42 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 18 gool, haddana waxa uu hormood u yahay ciyaartoyda xulka qaranka Slovenia ee ku sugan waddanka Germany ee ka qayb-gelaya ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*