Warbaahinta Jarmalka Oo Ogaatay Xiddiga Dhibaatada Ku Ah Xulka Dalkaas Ee Guul-darrooyinka U Keeni Doona


Warbaahinta waddanka Germany ayaa farta ku fiiqay hal ciyaartoy oo ay ku eedeeyeen in uu walaac ku abuurayo ciyaartoyda dalkaas isla markaana sabab u noqon karayo inay meel hore kaga baxaan tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee lagu qabanayo waddankooda Germany.

Xulka ku guuleystay Koobkii 2014, ayaa waxa tababarkii shalay isku dhax dilay Antonio Rudiger iyo weeraryahanka Niclas Fullkrug, waxaana arrintani ay keentay in durba laga dayriyo xaaladda qolka labbiska ee xulka Germany.

Sidaas oo ay tahay, haddana labadan ciyaartoy ma aha kuwa uu walaacu ka taagan yahay, waxaase si aad ah loo hadal hayaa ruug-caddaa kale oo lama-taabtaan ah oo la saluugsan yahay heerkiisa hoggaaminta iyo qaab-ciyaareedkiisa intaba.

Xulka Germany oo la filayey inuu wax badan usoo kordhin doono Toni Kroos oo dib ugu soo laabtay kaddib saddex sannadood oo uu ka maqnaa, ayaa la sheegay in ay ciyaartoydu saluugsan yihiin goolhaye Manuel Neuer oo ahaa goolhayaha koowaad tan iyo sannadkii 2009, isla markaana rukun adag u ahaa markii ay ku guuleysanayeen Koobka Adduunka sannadkii 2014.

Manuel Neuer ayaa qalad xun sameeyey semi-finalkii Champions League ee Bayern Munich iyo Real Madrid kaas oo sababay in kooxdiisu guul-darraysato.

Warbaahinta ayaa waxa ay tababare Julian Nagelsmann usoo jeedinayaan in uu goolhayaha koowaad e xulka Germany ka dhigto Marc-Andre ter Stegen, isla markaana uu kaydka geliyo Manuel Neuer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*