“Waxa Aan Lasoo Ciyaaray Ronaldo, Zidane Iyoyo Ronaldinho, Laakiin Ciyaartoygii Iigu Adkaa Wuxuu Ahaa Ciyaartoy Hal Kulan Oo Kaliya U Saftay Xulka England”


Waxa uu ka hor tegay oo ay garoomada ku xafiiltameen xiddigo waaweyn oo waliba ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, sida Cristiano Ronaldo, Zinedine Zidane iyo Ronaldinho, haddana waxa ciyaartoygii ugu adkaa ee nafta u keenay ee uu abid la kulmay intii uu kubadda ciyaarayey uu u doortay laacib hal kulan oo kaliya u saftay xulka qaranka England.

Difaacii hore ee kooxda Tottenham iyo xulka qaranka England ee Ledley King ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu ciyaartoygii ugu adkaa amaba weeraryahankii uu la dhibatooday u diiday inta badan xiddigaha waaweyn ee aad garanayso.

Ledley King ayaa yidhi: “Waxa aan oganahay in dad badan ay yidhaahdeen Cristiano Ronaldo, laakiin Zidane ayaa sidoo kale joogay, waxa kale oo aan ka hor tegay Ronaldinho, laakiin midkoodna ma ahayn kan ugu adag ee aan waajahay.”

Ledley King o hadalkiisa sii wata ayaa wariyeyaashu ay weydiiyeen qofka uu yahay ciyaartoyga sidaa nafta ugu keenay ee uu waajahay, waxaana uu yidhi: “Waa Kevin Davies”.

Davies oo intii ugu fiicnayd cimrigiisa ciyaareed kusoo qaatay Bolton oo uu muddo toban sannadood ah joogay, ayaa 442 ciyaarood oo Premier League ah oo uu dheelay waxa uu dhaliyey 87 gool, waxaana uu sidoo kale waqti kusoo qaatay kooxaha Southampton iyo Blackburn.

Xulka qaranka England ayaa loogu yeedhay markiisii u horreysay October 2010 kulan ka tirsanaa isreeb-reebka Euro 2012 oo ay la dheelayeen Montenegro, waxaana uu beddel kusoo galay 20kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*