Xidhiidhka FA Oo Doortay Tababaraha Ay Ku Beddelayaan Gareth Southgate Kaddib Tartanka Euro 2024


Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa la sheegay in ay shaki ka qabaan in uu sii joogayo tababare Gareth Southgate haddii ay guul ka keeni waayaan tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana ay hadda sii calaamadsadeen dhawr macallin oo ay ka dooranayaan midkii u beddeli lahaa Gareth Southgate.

Tababare Gareth Southgate ayaa waxa saaran cadaadis weyn oo ah inuu soo afjaro abaarta koobab la’aanta ah ee haysata xulka England oo koob ay qaadaan ay ugu dambaysay sannadkii 1966kii, waxaana uu xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku xisaabta ku darsanayaa wax kasta oo suurtogal ah.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya, in Gareth Southgate uu doonayo inuu noqdo tababaraha Manchester United oo uu beddelo Erik ten Hag, halka xulka England uu ka sokow ciyaaraha Euro 2024 uu kasii fikirayo ciddii hoggaamin lahayd Koobka Adduunka ee laba sannadood kaddib lagu qaban doono waddamada Maraykanka, Canada iyo Mexico.

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay, in xidhiidhka kubadda cagta England ee FA uu kala dooranayo afarta tababare ee Eddie Howe oo ah macallinka Newcastle United, Graham Potter oo aan wax shaqo ah qabannin tan iyo markii ay eriday Chelsea, Mauricio Pochettino oo isagana Chelsea ay eriday iyo macallinkii ay Bayern Munich iyo Chelsea shaqada ka caydhiyeen ee Thomas Tuchel.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*