Patrick Vieira Oo Magacaabay ‘Xiddig Isaga Ka Fiicnaan Karayey’ & Arsene Wenger Oo Ku Raacay


Halyeygii Arsenal ee Patrick Vieira  ayaa magacaabay xiddig lama filaan ah oo isaga ka fiicnaan lahaa, isla markaana aragtidaas uu la qabay Arsene Wenger oo la saxeexday waqtigii uu ahaa tababaraha Arsenal, laakiin nasiib-darro ay ku dhacday oo aan gaadhin halkii laga filayey.

Patrick Vieira oo muddo dheer kabtan u ahaa Arsenal ayaa la qaaday saddex horyaal oo Premier League ah iyo dhawr koob oo FA Cup ah isaga oo sagaal sannadood u ciyaarayay Gunners.

Waxa uu u saftay 350 ciyaarood ka hor intii aanu ka tegin sannadkii 2005 oo uu u wareegay Juventus, balse lix bilood kaddib ayay Arsenal soo iibsatay ciyaartoy la filayey inuu noqonayo beddelka saxda ah ee Patrick Vieira, waxaanu ahaa Abou Diaby oo ay £2 milyan oo Gini kagala soo wareegeen kooxda Auxerre ee waddanka Faransiiska.

Diaby waxa uu ahaa kha dhexe oo awood badan oo gool-illaa-gool ka shaqeeya, waxaana uu sidoo kale ahaa burburiye cajiib ah, kubbad-sameeye heersare ah iyo inuu meelo badan kala mid ahaa Vieira sida awoodda jidheed iyo bixinta baasaska.

Laakiin nasiib-darro ayaa ku dhacday Diaby, waxaanu dhaawacmay 42 jeer oo kala duwan intii uu joogay Arsenal, kuwaas oo ay ku jireen hal mar oo uu jilibka ka jabay, shan jeer oo muruqa sare uu dillaacay iyo 11 jeer oo bowdooyinka loo galay, halka laba jeer ay kuraantu wax noqotay.

Patrick Vieira oo la weydiiyey haddii uu jiray ciyaartoy booskiisa sidiisii oo kael uga ciyaari lahaa ayaa yidhi: “Aniga ciyaartoydu waxay ahayd sida qaab-ciyaareedka Diaby-gii Arsenal. Waxay ila tahay in xataa uu aniga iga fiicnaa sababtoo ah waxa uu ahaa ciyaartoy dhamaystiran oo iga farsamo badnaa.

“Weerarka wuu igaga wanaagsanaa, tayadiisuna aad bay u sarraysay marka la gaadho 30ka yard. Laakiin Diaby waxa horumarkiisa joojiyey dhaawacyo.”

Sannadkii 2015 ayuu Diaby ka tegay Arsenal oo uu ku biiray Marseille isaga oo kaliya diiwaankiisa Arsenal ay ku jiraan 124 ciyaarood oo horyaalka Premier League, waxaase sida Vieira oo kale u amaanay Arsene Wenger oo sheegay inuu ahaa ciyaartoy layaableh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*