Real Madrid Oo Shaacinaysa Heshiiska Ruug-caddaagii Noqday Sirta Guushooda


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa shaacinta heshiis rasmi ah oo ay ka saxeexayaan xiddig ruug-caddaa ah oo kaalin weyn kasoo qaatay guulihii ay Los Blancos gaadhay xilli-ciyaareedkii tegay oo ay isku darsatay Champions League, LaLiga iyo Spanish Super Cup.

Real Madrid oo Isniintii toddobaadkii hore si rasmi ah u shaacisay heshiiska Kylian Mbappe oo u saxeexay qandaraas shan sannadood ah, sidoo kalena uu bisha July soo gaadhi doono weeraryahanka reer Brazil ee Endrick oo ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Brazil ee ka qayb-gelaya tartanka Copa America, ayaa waxa ay dhinaca kalena ku hawlan tahay dhamaystirka weeraryahan kale oo ay qancisay kartidiisu.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Real Madrid ayaa waxa ay si rasmi ah ula saxeexanaysaa weeraryahanka reer Spain ee Joselu oo xagaagii hore ay amaah kaga soo qaadatay Espanyol, waxaana hadda ay dhaqan-gelinaysaa qodob ku jiray heshiiskaas oo fursad u siinayay Madrid inay €1.5 milyan oo Euro oo kaliya si rasmi ah ugula wareegaan.

Waxa kale oo ay Real Madrid bixisay €500,000 Euro oo ahaa heshiiskii amaahda ee ay Espanyol ay ku xidhay markii ay Madrid soo qaadanaysay laacibkan oo 17 gool oo dhamaan tartamada ah u saxeexay Los Blancos oo hadda noqon doona ciyaartoy rasmi ahaan uga tirsanaanaya Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*