NIYAD-JAB: Xiddigii Arsenal Ee Dersinka Goolasha Ah Ka Dhaliyey Liverpool Oo Ka Tegaya Gunners


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la kulantay waji gabax, waxaanay u dhowdahay inay lumiso dheeman cajiib ah oo goolal badan ka dhaliyey Liverpool oo uu kalidii shabaqooda ku hubsaday 10 gool hal kulan gudihii.

Arsenal oo lagu yaqaano inay kulliyaddeeda kasoo saarto ciyaartooyo tayadoodu sarrayso oo hormood ka noqda kooxda koowaad, ayaa waxa ay muddooyinkan dambe u muuqanaysay in aanay ciyaartoyda da’yarta ah fursad fiican ka helaynin naadiga koowaad oo ku jirta tartan adag.

Chido Obi-Martin oo xilli-ciyaareedkii tegay sameeyey bandhig cajiib ah, isla markaana 42 kulan oouu saftay u dhaliyey 43 gool ayaa go’aansaday inuu iskaga tago Emirates Stadium, waxaana uu diiday heshiis cusub oo waqti kordhin ah oo ay kooxdiisu u bandhigtay.

Kooxaha Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa si aad ah loola xidhiidhinayaa Chido Obi-Martin oo u dhashay waddanka Denmark oo 14 kulan oo da’yarta 17-jirrada uu u saftay u dhaliyey 10 gool.

Chido Obi-Martin ayaa waxa uu warbaahinta qabsaday horraantii sannadkan oo da’yarta Arsenal iyo da’yarta Liverpool ay iskaga hor yimaaddeen horyaalka Premier League ee da’yarta, markaas oo uu toban gool ka dhaliyey Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*