Man United Oo Lagu Qabsaday Saxeex Cajiib Ah, Chelsea Oo Gacanta Ku Dhigtay Dilaa Faransiis Ah, Alvarez Oo Go’aan Gaadhay Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Chelsea ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay arabka weerarka Crystal Palace iyo xulka France ee Michael Olise oo 22 jir ah, waxaanay diyaarinayaan lacagta lagu burburin karayo qandaraaska laacibkan uu kula jiro kooxdiisa Crystal Palace. (GMS)

Fulham ayaa ku wargelisay Bayern Munich qiimaha ay ku iibinayso xiddigeeda khadka dhexe ee Joao Palhinha oo ah 28 jir u dhashay Portugal. Fulham ayaa kooxaha doonaya ee Bayern Munich, Barcelona iyo Man United ku xidhay inay bixiyaan £60 milyan oo Gini, laakiin Munich oo heshiis shaqsi ah la gaadhay laacibkan ayaa kaliya doonaysa inay bixiso £30 milyan oo Gini. (Sky Sports)

Manchester United iyo Tottenham ayaa ku dagaallamaya garabka weerarka Crystal Palace iyo xulka England ee Eberechi Eze oo 25 jir ah. (Football Insider)

Newcastle United waxa ay qorshaheeda ka saartay goolhayaha Valencia ee Giorgi Mamardashvili oo 23 jir ah, kaddib markii ay kooxda reer Spain dalbatay 35 milyan oo Euro. (Relevo)

Brighton ayaa la filayaa inay shaaciso tababaraheeda cusub oo noqonaya Fabian Hurzeler oo hore u laylin jiray kooxda St Pauli ee reer Germany oo bishii hore uu kasoo dallacsiiyey heerka labaad, isla markaana keenay horyaalka Bundesliga. (Guardian)

Manchester United waxa ay kasii durkaysaa suurtogalnimada in ay tababaraheeda cusub ee beddelaya Erik ten Hag ka dhigato macallinkii hore ee Tottenham, Chelsea iyo PSG ee Mauricio Pochettino. (Times)

Weeraryahanka reer Argentina ee Julian Alvarez oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer Yurub ah ayaa sheegay, in uu ku faraxsan yahay kooxdiisa hadda ee Manchester City. (ESPN)

Bayern Munich waxa ay xiisaynaysaa difaaca Chelsea ee Levi Colwill oo 21 jir ah oo ay wada-hadallo hordhac ah la yeelatay, laakiin Blues ayaa u aragta inuu yahay ciyaartoy lama taamtaan ah. (Sky Germany)

Atletico Madrid waxa ay dib ugu soo rogaal-celinaysaa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ee Pierre-Emile Horjbjerg oo Spurs ay ku xidhay lacag dhan £15 milyan oo Gini. (Mail)

Chelsea waxa ay heshiis shaqsi ah la gaadhay difaaca reer Brazil ee Pedro Lima oo ay ay da’diisu tahay 17 jir, kaas oo bishii January kulankiisii koowaad ee kooxda koowaad u saftay Sport Recife. (HITC)

Juventus ayaa wada-hadallo la bilaabaysa Aston Villa oo ay ka doonayso khadka dhexe ee reer Brazil ee Douglas Luiz oo 26 jir ah, laakiin Aston Villa ma doonayso inay si dhayal ah ku lumiso laacibkan. (Fabrizio Romano)

Manchester United ayaa heshay fursad ay ku heli karayaan khadka dhexe ee kooxda Benfica iyo xulka Portugal ee Joao Neves oo 19 jir ah, kaddib markii uu laacibkani iska diiday dalab cusub oo ay kooxdiisu qandaraaska ugu kordhinayso. (Record)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*