DEG-DEG: Labadii Mishiin Ee Khadka Dhexe Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Netherlands


Xulka qaranka Netherlands ayaa waxa ku habsatay niyad-jab saamayn ku yeelan doonta bandhiggooda ciyaareed ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee Jimcaha ka furmaya waddanka Germany, waxaana sidoo kale hoos u dhacaysa fursaddii ay u haysteen inay tartankaas ku guuleysan karayaan.

Netherlands ayaa waxa ay diiwaangelisay laba dhaawac oo ah mishiinnadii khadka dhexe oo si buuxda looga saaray xulka qaranka, kaddib markii ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in aanay ciyaari karaynin tartanka.

Tababare Ronald Koeman ayaa xaqiijiyey, in uu liiska ciyaartoydiisa ka saaray xiddiga khadka dhexe ee Teun Koopmeiners oo uu dhaawac soo gaadhay kaddib xilli-ciyaareed cajiib ahaa oo uu kusoo qaatay Atalanta, taas oo uu ka caawiyey inay ku guuleysato tartanka Europa League.

Waxa Teun Koopmeiners kasii horreeyey oo isagana xalay laga saaray xulka qaranka Netherlands xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Frenkie de Jong oo isaguna awoodi waayey inuu kasoo kabto dhaawac daba dheeraaday oo uu u jiifay bilihii ugu dambeeyey isla markaana uu ku seegay kulamo badan oo ay dheeshay kooxdiisa Barcelona.

Labadan ciyaartoy ee khadka dhexe ee ka baxay liiska xulka qaranka Netherlands, waxa ay walaac ku abuurayaan Ronald Koeman oo hadda ay sii yaraanayso rajadii uu ka qaybay in xulka qarankiisu uu ku tartami karayo koobka Euro 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*