SAGAAL Khabiir Oo Saadaaliyey Tartanka Qaramada Yurub Ee Euro 2024 – Yaa Ku Guuleysanaya?


Dunida oo dhan ayaa kusii jeedda waddanka Germany oo uu Jimcaha ka furmayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana kusii qulqulaya ciyaartoyda xulalka oo qaarkood maanta ay gaadheen, sida ciyaartoyda xulka England oo gellinkii dambe ka degay dalkaas.

24 waddan oo uu ku jiro dalka martigelinaya ayaa ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana laga bixinayaa saadaal kala duwan iyadoo si aad ah hoos loogu dhigayo fursadda xulka qaranka Talyaaniga ee koobka difaacanaya.

Sagaal Khabiir oo ka tirsan wargeyska Daily Mirror ayaa saadaal ka bixiyey tartanka Euro 2024 ee Jimcaha bilaabmaya, waxaanay intooda badan isku raaceen in xulka qaranka Faransiisku uu ku guuleysan doono koobka sannadkan.

Khubaradan saadaasha bixiyey ayaa si aad ah hoos ugu dhigay fursadda xulka Ingiriiska ee koobka oo ay dad badan ku tilmaameen inuu hormoodka ka mid yahay, waxaana codkiisa siiyey hal khabiir oo kaliya, halka afar kale ay Faransiiska koobka u saadaaliyeen.

Halkan kaga bogo saadaasha Khubarada Daily Mirror ee Euro 2024:

John Cross – France

Sam Meade – Germany

David McDonnell – France

Mike Walters – France

James Whaling – England

Neil McLeman – Italy

Simon Mullock – Portugal

Andy Dunn – France

Mark Jones – Portugal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*