Real Madrid Oo Beenisay Hadal Kasoo Yeedhay Tababare Carlo Ancelotti


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa beenisay hadal kasoo yeedhay tababaraheeda Carlo Ancelotti oo uu ku sheegay in naadigiisu uu qaaddayo tartanka FIFA Club World Cup oo aanay ka qayb-geli doonin, waxaana sidoo kale ay kooxdu ku qasabtay tababaraheeda inuu jawaab bixiyo.

Real Madrid waxa ay sheegtay in ay ka go’an tahay inay ka qayb-gasho tartanka FIFA Club World Cup ee lagu qaban doono waddanka Maraykanka bilaha June iyo July ee sannadka dambe ee 2025.

FIFA ayaa isbeddel ku samaysay tartankan, waxaana kooxaha ka qayb-gelaya laga dhigay 32 naadi oo ka kala imanaya qaaradaha dunida, sida Afrika, Asia, Europe oo 12 kooxood leh, America iyo Oceania.

29 ka mid ah 32ka kooxood ee ka qayb-gelaya tartanka FIFA Club World Cup ayaa mar horeba la xaqiijiyey, waxaana boosaskooda loo damaanad qaaday naadiyadii ku guuleystay koobka Champions League saddexdii sannadood ee u dambeeyey.

Real Madrid ayaa war-saxaafadeedkeeda ku tidhi: “Real Madrid FC waxa ay xaqiijinaysaa in aanay wali ka wada-hadal ka qayb-galka tartanka cusub ee Club World Cup ee ay FIFA abaabulayso xilli-ciyaareedka 2024/25, isla markaana u helin waqti ay wax iskaga weydiiso. Sidaa daraadeed, kooxdayadu way tartami doontaa sidii la qorsheeyey, sharaf ayaanay u tahay in tartankan cusub ee rasmiga ah aanu ku madadaalino malaayiinta taageereyaashayada ah ee dunida oo dhan kala jooga.”

Dhinaca kale, tababare Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hadalkiisa si qaldan loo turjumay oo aanu ula jeedin sida hadda loo dhigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*