Sidee Ayey Noqonaysaa Shaxda Xulka Qaranka Germany Ee EURO 2024? – Xiddigaha Laf-Dhabarta U Ah Iyo Kuwa Booskooda Waayaya


Xulka qaranka Germany ayaa si aad ah iskugu diyaarinaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee ay martigelinayaan, kaas oo ay doonayaan inay iskaga maydhaan ceebtii ka raacday koobkii Adduunka 2022 iyo 2018 oo ay wareeggii 16ka kaga hadheen.

Tababare Nulian Nagelsmann oo dayrtii hore loo magacaabay tababaraha xulka Germany ayaa waxa uu soo xushay ciyaartooyo iskugu jira kuwo khibraddoodu sarrayso iyo kuwo da’yar ah oo diyaar u ah inay dhiigga u shubaan xulkooda.

Waxa ay doorkan haystaan taageereyaal malaayiin ah oo garoomada usoo cammiri doona, maadaama dalkoodu martigelinayo, waana arrinta ay dheer yihiin dalalka kale.

Xulka Germany waxa laga yaqaannaa in Koobku aanu dhayal kaga baxsanin marka dalkooda lagu qabto. Sannadkii 1974kii ayaa Koobkii Adduunka lagu qabtay dalkooda, waanay ku guuleysteen, halka sannadkii 2006 oo ay iyagu martigeliyeen ay kaalinta saddexaad ku dhamaysteen. Sidoo kale, Euro 1988 ayaa tartanka Euro lagu qabtay Germany waxaanay yimaaddeen semi-final.

Kaddib niyad-jabka ciyaarihii saaxiibtinimo ee guul-darrooyinka ee bishii November ee Turkey iyo Austria, xulka Germany ayaa u muuqanayey inuu horumar samaynayo. Waxa ay garaaceen France iyo Qatar, sidoo kalena laba jeer oo is-xigay ayay ka takhaluseen Holland bishii March.

Waxa dib u xoojiyey, Toni Kroos oo dib ugu soo laabtay xulka dalkaas kaddib saddex sannadood oo uu ka maqnaa, waxaana 34 jirkan uu khadka dhexe la wadaagi doonaa Andrich iyo waliba khabiirka Barcelona ee Ilkay Gundogan.

Waxa ciyaartooda koowaad ay ku furan doonaan Scotland oo ay Jimcaha 14ka June kula ciyaari doonaan garoonka Allianz Arena ee Bayern Munich, iyadoo tababarahooda da’da yare e firfircoon ee Julian Nagelsmann uu isaguna ku dedaali doono inuu isku muujiyo fagaareyaasha caalamiga ah.

Shaxda xulka Germany ayaa noqon doonta qaab ah 4-2-3-1, waxaana weerarka dhexe xoogsan doona Niclas Fullkrug oo ka garbisan doona Kai Havertz maadaama uu goolal badan u dhaliyey Dortmund, isla markaana yahay weerar toos ah halka Havertz uu inta badan kasoo shaqeeyo khadka dhexe.

Jamal Musialla iyo Florian Wirtz ayaa iyaguna labada garab tegi doona, halka difaaca ay ka wada dheeli doonaan Joshua Kimmich, Antonio Rudiger, Tah iyo Raum.

Halkan kaga bogo shaxda xulka qaranka Germany uu ku ciyaari doono tartanka qaramada Yurub

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*