Manchester United Oo Waji-gabax Kala Kulantay Xiddig Ay Dul-dhigtay £51 Milyan Oo Gini


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waji gabax kala kulantay xiddig ay dalabkeedii koowaad ee xagaagan ka gudbisay, kaas oo ay doonayeen inay ku xoojiyaan safkooda balse iska diiday oo ka doortay koox kale oo qalbigiisa ku weyn.

Manchester United ayaa uu qorshaheedu yahay inay iska xoojiso dhawr boos marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, inkasta oo marka hore ay iska diri doonaan dersin ciyaartooyo ah si ay u dhimaan mushaharka xad-dhaafka ah ee ay bixiyaan.

Meelaha ay Man United doonayso inay iska xoojiso waxa ka mid ah difaaca dhexe oo uu ka baxay Raphael Varane oo si xor ah uga tegay, waxaana ay beddelkiisa u calaamadsadeen difaaca reer France ee Leny Yoro oo u ciyaara kooxda Lille.

United ayaa waxa ay saxeexa 18 jirakn u diyaarisay £51 milyan oo Gini, sidoo kalena waxa ay qorshahooda ku darsadeen difaaca Everton ee Branthwaite oo isagana dalabkiisa ay diyaariyeen, laakiin Leny Yoro ayaa waxa uu u sheegay kooxdiisa iyo Man United-ba in uu doonayo inuu tago kooxda reer Spain ee Real Madrid oo muddo lala xidhiidhinayey.

Warka ayaa intaa ku daray, in Yoro uu doonayo inuu qolka labbiska la wadaago xiddigaha ay isku waddanka yihiin ee Kylian Mbappe, Aurelien Tchouameni, Camavinga iyo Ferland Mendy oo dhamaantood ah ciyaartooyo Real Madrid ah oo u dhashay Faransiiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*