HESHIISKII QARNIGA: Liverpool Iyo Real Madrid Oo Isku Beddelanaya Xiddigo Qiimahoodu Yahay £170 Milyan Oo Gini


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa diyaarisay qorshe ay ula tegayso Real Madrid oo ay suurtogal tahay in Carlo Ancelotti uu gacmo furan kusoo dhoweeyo,  kaas oo ay in labada kooxood ay isweydaarsadaan laba ciyaartoy oo isku-darka qiimahoodu yahay £170 milyan oo Gini.

Real Madrid oo 1dii June ku guuleysatay koobka Champions League markii 15aad taariikhdeeda, ayaa waxa ay sidoo kale taageereyaasheeda hadiyad uga dhigtay Kylian Mbappe oo ay la saxeexatay laba maalmood kaddib markii ay qaadeen koobka, halka dheemanka Brazil ee Endrick uu isaguna iman doono bisha July.

Liverpool ayaa waxa labadan ciyaartoy ee ay heshay Real Madrid ay u aragtaa inay u noqon karayso fursad ay kaga heli karayaan weeraryahanka reer Brazil ee Rodrygo Goes oo ay caddahay in ay hoos u dhici doonto fursaddiisa ciyaareed.

Sida uu qoray wargeyska Nacional ee kasoo baxa waddanka Spain gaar ahaan magaalada Barcelona, Liverpool ayaa qorshaynaysa inay Real Madrid u bandhigto inay la wareegeen difaaca midi gee reer England ee Trent Alexander-Arnold, iyaguna ay helaan Rodrigo oo 51 ciyaarood oo uu xilli-ciyaareedkii hore u saftay Los Blancos u dhaliyey 17 gool, sagaal kalena caawiyey.

Qorshahan ayay suurtogal tahay in Real Madrid ay ogolaato sababtoo ah waxa ay raadinayaan difaac midig oo ay tayadiisu sarrayso oo u beddela Dani Carvajal oo ay da’diisu sii weynaanayso. Waxa kale oo ay Real Madrid Alexander-Arnold u aragtaa inuu kubbado badan u tuuri lahaa Vinicius Junior iyo Kylian Mbappe oo ah ciyaartooyo orodkoodu badan yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*