Carlo Ancelotti Oo Shaaciyey Inuu Ogyahay Sababta Rasmiga Ah Ee Uu Jurgen Klopp Uga Tegay Liverpool


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey inuu ogyahay sababta rasmiga ah ee macallinka reer Germany ee Jurgen Klopp ku kalliftay inuu ka tago Liverpool oo uu macasalaameeyey bishii May, kaddib sagaal sannadood oo uu soo laylinayey.

Jurgen Klopp ayaa ku dooday in sababta uu uga tegayo Liverpool ay tahay inay tamartu ka dhamaatay oo uu u baahan yahay inuu nasiimo illaa sannad ah galo, waxaana uu damaanad-qaaday in aanu tababare u noqon doonin koox kale oo Premier League ah.

Klopp oo go’aankiisa sii shaaciyey bishii January, ayaa waxa xilli-ciyaareedkiisii ugu dambeeyey uu kaliya la qaaday Carabao Cup, laakiin isku-darka sagaalkii sannadood ee uu joogay Anfield ayaa ahaa kuwo guulo badan u horseeday Liveprool, waxaana koobabka uu u qaaday ka mid ahaa Premier League iyo Champions League.

Carlo Ancelotti oo ay warbaahintu weydiisay waxa uu kala socdo sababta ku kalliftay Jurgen Klopp inuu ka tago Liverpool ayaa ku dooday inuu ogyahay sababta rasmiga ah, waxaanu yidhi: “Dhamaantayo bilowga hore waxa aanu kooxaha ku dareennaa jacayl, in lana soo dhaweeyey iyo in ay gurigayagii yihiin, waana arrinta ay khaaska iyo cajiibka ku yihiin dadka halkani.

“Laakiin marka dambe waxa yimaadda culays badan, arrinta Klopp-na waa mid muhiim ah. Cadaadiska badan ee joogtada ah iyo masuuliyadaha badan ee ku saaran ayaa kugu keenaya daal. Waxa ay arrintan oo kael ku dhacday Arrigo Sacchi (tababarihii Talyaaniga & AC Milan).”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*