Thomas Tuchel Oo Go’aan Ka Gaadhay Manchester United Kaddib Markii Ay Wada-hadleen Sir Jim Ratcliffe


Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel ayaa go’aan ka gaadhay Manchester United, kaddib markii ay wada-hadallo toos ah dhax-mareen Sir Jim Ratcliffe oo sida muuqata ay is-fahmi waayeen.

Tuchel ayaa laba jeer la kulmay Mulkiilaha Man United ee Sir Jim Ratcliffe toddobaadyadii tegay, waxaanay ka wada-hadleen sidii uu Red Devils ugu noqon lahaa  tababaraha cusub ee beddelaya Erik ten Hag oo tan iyo bishii May sugaya in kooxdu ay shaqada ka erido amaba ay si rasmi ah ugu damaanad-qaaddo inuu sii joogayo xilli-ciyaareedka dambe, balse aan illaa hadda la siinin jawaab buuxda oo mustaqbalkiisu uu laalan yahay.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, tababaraha hore ee Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa waxa uu saluugay sida uu Sir Jim Ratcliffe u doonayo in kooxdu u shaqayso, gaar ahaan suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanay taasi keentay inuu go’aansado in aanu tegin Old Trafford.

Sir Jim Ratcliffe ayaa hadda waxa diiraddiisa ku jira tababarihii hore ee Chelsea ee Graham Potter, hase yeeshee waxa kale oo suurtogal ah inuu kalsoonida siiyo Erik ten Hag oo uu xilli-ciyaareedka soo socda sii maamulo naadiga uu u qaaday FA Cup iyo Carabao Cup labadii sannadood ee uu joogay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*