UGU DAMBAYN: Zinedine Zidane Oo Magacaabay Ciyaartoyga Uu Taageero Waqtigan – Mana Aha Vinicius Jr & Jude Bellingham


Tababarihii hore ee kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa magacaabay ciyaartoyga uu taageeraha u yahay, kaas oo uu u diray farriin qalbiga taabanaysa, isaga oo ugu soo beegay waqti uu laacibkani gelayo nolol cusub oo uu ku raacayo raadkii Zinedine Zidane.

Waraysi uu siiyey wargeyska Telefoot, ayaa Zinedine Zidane waxa lagu weydiiyey ciyaartoyga uu taageero, waxaana uu markiiba lasoo booday xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ee dhowaan heshiiska u saxeexay Real Madrid, waxaana uu sheegay inuu telefoonka ka wacay oo uu ugu hambalyeeyey go’aanka uu qaatay ee ah inuu ka mid noqdo Real Madrid oo uu si xor ah ugu biiray.

“Axsantu Kylian. Waan kuugu hambalyaynayaa wax kasta oo aad samaysay, waxa aad qabatay, cidda aad tahay, waxaanan ku leeyahay horey u soco. Anigu taageere ayaan kuu ahay, markaa waan kula socon doonnaa, waananu kula dhacsanahay.”

Waray kale oo uu toddobaadkii hore Zidane siiyey isla wargeyskan, ayaa waxa uu ku sheegay, in Mbappe uu taariikh cusub ka samayn doono Real Madrid, isla markaana uu dhaafi doono rikoodhadii ay sameeyeen ciyaartoydii hore ugu soo dheelay kooxdaas.

“Mbappe hadda halkan ayuu joogaa [Madrid]. Taariikh ayuu ku samayn doonaa kooxdan, waxayna ila tahay inuu ka sare-mari dooino dhamaan ciyaartoydii waaweynaa ee Faransiiska oo aan aniguna ku jiro. Bal eeg isaga, wuu dhaafi doonaa rikoodhada ciyaartoydii kale.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*