“Albaabadaasi Way Iga Xidhan Yihiin…” Guardiola Oo Ka Dhaartay Tababarenimada Kooxdii Lagu Bartay


Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa ka dhaartay inuu tababare u noqdo kooxdiisii hore ee Barcelona, xataa haddii ay shaqo la’aan ku dhacdo, waxaana uu ku dooday in albaabadaasi ka xidhan yihiin oo uu ka koray waqtigii uu noqon lahaa macallinka Camp Nou.

Pep Guardiola oo la filayo inuu ka tago Manchester City xagaaga dambe, ayaa waxa Isniintii maanta ay saxaafaddu kula kulantay isaga oo ka qayb-gelaya ciyaaraha Golofta ee Emporda Golf Club ee Legends Cup, waxaana la weydiiyey dhawr su’aalood oo durba ay falcelin ka dhalatay.

Su’aalaha la weydiiyey ayaa wax aka mid ahaa: “Albaabada Barca miyey kaa xidhan yihiin mustaqbalka?”. Pep Guardiola ayaa si degdeg ah ugu jawaabay: “Haa, way iga xidhan yihiin. Hadda waan ka weynaaday waqtigii Barca.”

Waxa kale oo la weydiiyey wararka sheegaya in Bernardo Silva uu tegayo Barca, waxaanu ku jawaabay: “Wali wax wicitaan ah oo ka yimid Barca ama koox kale oo ku saabsan Bernardo ma aannaan helin.”

Guardiola ayaa sidoo kale waxa uu usoo jeediyey Barcelonay inay samir u muujiyaan tababarahooda cusub ee Hansi Flick, waxaanu yidhi: “Nasiib wanaagsan ayaan u rajaynayaa.  Waa inay caawiyaan oo ay siiyaan waqti uu kula qabsado. Waa in uu la qabsado qaab-ciyaareedka xiddigaha kooxda.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*