Alan Shearer Oo Shaaciyey Shaxda Uu Doonayo In Xulka Qaranka England Ku Ciyaaro Tartanka Euro 2024


Halyeyga reer England ee Alan Shearer ayaa magacaabay shaxda uu doonayo in xulka dalkiisu ku ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee Jimcaha ka furmaya waddanka Germany.

Ciyaartoyda xulka Ingiriiska ayaa u duulay waddanka Germany oo uu Jimcaha ka furmayo tartanka Euro 2024 oo ay ka mid yihiin waddamada aadka loogu saadaalinayo, waxaase ay dood ka taagan tahay sida uu tababare Gareth Southgate u kala xulan doono 26ka ciyaartoy ee uu u xushay tartanka.

Axadda ayay ciyaarta koowaad ee tartanka Euro 2024 ka hor tegi doonaan Serbia oo ay ku wada ciyaari doonaan garoonka Veltins-Arena oo ku yaalla magaalada Gelsenkirchen, kaddibna waxa ay waajihi doonaan Denmark iyo Slovenia oo ay isku group yihiin.

58 sannadood ka hor ayaa ugu dambaysay in xulka qaranka England uu ku guuleysto koob, laakiin Alan Shearer ayaa rumaysan in ay koobka qaadi doonaan sannadkan oo ay fursad fiican u haystaan haddii tababare Gareth Southgate uu sameeyo xulasho wanaagsan.

Tartankii Euro 2020 ayay Ingiriisku yimaaddeen finalka oo uu Talyaanigu rikoodheyaal kaga qaaday koobka iyagoo waliba ku ciyaaraya garoonka magaalada London ee Wembley.

Si kastaba ha ahaatee, Alan Shearer oo xushay shaxdiisa, ayaa waxa uu weerarka ku mideeyey Harry Kane oo uu dhinacyada ka xigsiiyey Anthony Gordon iyo Bukayo Saka, halka khadka dhexena uu usoo xushay Jude Bellingham, Declan Rice iyo Phil Foden.

Difaaca ayaa waxa uu Alan Shearer doonayaa in Gareth Southgate uu ka wada ciyaarsiiyo John Stones, Guehi, Kyle Walker iyo Kieran Trippier.

Waatan shaxda Alan Shearer uu doonayo in xulka England ku ciyaaro tartanka Euro 2024:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*