Real Madrid Oo Qaadacday Ka-qaybgalka tartanka FIFA Club World Cup Iyo Carlo Ancelotti Oo Sharraxay Sababta Ay U Diideen


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaacisay in aanay ka qayb-geli doonin tartanka FIFA Club World Cup ee sannadkan, kaddib markii ay FIFA isbeddel ku samaysay tartanka oo ay kordhisay tirada kooxaha ka qayb-gelaya.

Real Madrid oo ku guuleysatay tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan, isla markaana siddeed jeer qaadday Club World Cup, ayaa si toos ah ugu soo gudubtay doorkan maadaama ay haysato Champions League, laakiin Carlo Ancelotti ayaa caddeeyey in kooxdiisu ay go’aansatay in aanay ka qaybgelin tartankaas.

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa isbeddel ku sameeyey tartankan, waxaana laga bilaabo sannadka 2025 ay tirade kooxaha ka qayb-gelaya noqon doonaan 32 kooxood, iyadoo lagu ciyaari doono waddanka Maraykanka bilaha June iyo July.

Kooxo badan ayaa ka walaacsan arrintan, waxaanay diiddan yihiin culayska ay ku keenayaan in bilaha ay ciyaartoydoodu nastaan ee June iyo July ay tartan kale ka qayb-galaan, sidoo kalena kulamada badan ee ay dheelayaan ay ku keenayaan daal iyo dhaawacyo.

Haddii Real Madrid ay ka qayb-gasho tartankaas, waxa ay ciyaari doontaa ugu yaraan 72 ciyaarood sannad gudihii, taas oo ka dhigan in shan maalmood oo kasta ay ciyaarayaan hal, marka tiradan loo qaybiyo 365ka maalmood ee uu sannadku ka kooban yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Carlo Ancelotti oo waraysi siiyey wargeyska Il Giornale ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga ayaa sheegay in kooxdiisu aanay ka qayb-geli doonin tartankaas, waxaana uu yidhi: “FIFA way iska illoobi kartaa [in Real ka qayb-gelayso], sababtoo ah ciyaartoyda iyo kooxuhu kama qayb-gelayaan tartankaas. Ciyaar kaliya oo ay Real Madrid dheesho ayay kasoo hoysaa lacag ka badan €20 milyan oo Euro, FIFA-na waxa ay doonaysaa in inta uu tartanku socdo oo dhan ay nagu siiso €20 milyan oo Euro. Waa arrin taban, kooxaha kalena way diidi doonaan.”

32ka kooxood ee ay FIFA qorshaysay inay ka qayb-galaan tartanka FIFA Club World Cup, ayaa waxa 12 ka mid ah ay ka dhisan yihiin qaaradda Yurub, halka 20ka kalena loo qaybiyey adduunyada kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*