Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Maanta Oo Isniin Ah


Everton ayaa wada-xaajood kula jirta weeraryahanka reer Albania ee Armando Broja oo 22 jir ah oo ay doonayaan inay kala soo wareegaan Chelsea, laakiin Blues ayaa dalbanaysa £30 milyan oo Gini. (Ben Jacobs)

Wolves waxa ay heshiis la gaadhay xiddiga reer Portugal ee Rodrigo Gomes oo ah 20 jir u dheela kooxda Braga. (Athletic)

Arsenal ayaa loo sheegay inay diyaarsadaan lacag dhan £50 milyan oo Gini, haddii ay doonayaan saxeexa 26 jirka reer Brazil ee khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee Douglas Luiz. (Mirror)

Manchester City waxa ay heshiis cusub ka saxeexaysaa xiddiga reer England ee Phil Foden, waxaana 24 jirkani uu noqon doonaa ciyaartoyga Ingiriiska ah ee ugu mushaharka badan taariikhda isaga oo toddobaadkii u xaadiri doona lacag dhan £375,000 Gini. (Sun)

Arsenal iyo Manchester United ayaa ku loollamaya saxeexa weeraryahanka reer Netherlands ee Joshua Zirkzee oo u dheela Bologna, laakiin waxa sidoo kale 23 jirkan xiisaynaysa AC Milan. (Sky Sports)

Bayern Munich waxa ay dalab £30 milyan oo Gini ah ka gudbiyeen xiddiga reer Portugal ee Joao Palhinha oo khadka dhexe uga ciyaara Fulham, kaas oo la sheegay inay dhamaystireen heshiiskiisa shaqsiga ah. (Mail)

Kooxda Wrexham ayaa doonaysa inay la saxeexato xiddigii hore ee xulka Wales iyo Real Madrid ee Gareth Bale oo 34 jir ah, si uu muddo kooban ugu ciyaaro naadigaas heerka saddexaad ah. (Mirror)

Kooxdan reer Wales ayaa waxa kale oo ay doonaysaa inay si rasmi ah ula wareegto goolhayaha Arsenal ee Arthur Okonkwo oo ah 22 jir ay fursad siin weyday Arsenal. (Talksport)

Kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Nassr ayaa wada-hadallo kula jirta goolhayaha reer Poland ee Wojciech Szczesny oo ay kala wareegayaan Juventus. (Fabrizio Romano)

Tababarihii hore ee Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa wada-hadallo kula jira kooxa horyaalka Premier League ah. (Sport)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*