Waqtiga Ay Manchester United Dhamaystirayso Saxeexeeda Koowaad Ee Xagaagan Oo La Shaaciyey


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa calaamadsatay xiddiga noqonaya saxeexeeda koowaad ee xagaagan, waxaanay sidoo kale qabatay waqtiga ay dhamaystirayaan heshiiska laacibkaas oo ay ku xoojinayaan safkooda ka hor inta aanay ciyaartoydu kusoo laabannin tababarka.

Manchester United ayaa waxa ay diiraddeeda u jeedisay xiddiga reer England ee Jarrad Branthwaite  oo u dheela Everton oo uu tababare Gareth Southgate ka saaray liiska xulka dalkaas ee ka qayb-gelaya ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana ay isku dariiq mareen James Maddison, Jack Grealish, Curtis Jones, Harry Maguire, Jarell Quansah iyo James Trafford.

21 jirkan oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Everton, ayaa Manchester United ay diyaarisay dalabka ay ka gudbinayso, waxaana sidoo kale la filayaa in Everton ay si fudud ku aqbali doonto maadaama ay ku socdaan baadhitaanno la xidhiidha inay jabiyeen sharciga dhaqaalaha oo sababi karaya in dhibco laga jaro xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, Manchester United ayaa uu qorshaheedu yahay inay heshiiska Jarrad Branthwaite dhamaystirto ka hro inta aan la gaadhin June 30, si uu tababarka ula bilowdo ciyaartoyda kale oo horraanta July kasoo laaban doona fasax.

Jarrad Branthwaite ayay Manchester United u aragtaa inuu yahay beddelka ugu fiican ee Raphael Varane oo si xor ah uga tegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*