Dheemanka Real Madrid Ee Endrick Oo Xalay Isku Qoray Buugga Rikoodhada Pele


Dheemanka Real Madrid ee Endrick ayaa xalay isku qoray diiwaanka halyeygii Brazil ee Pele kaddib markii uu guul ku hoggaamiyey xulka qarankiisa oo daqiiqaddii ugu dambaysay waqtigii dheeraadka ahaa uu madax ugu dhaliyey gool, ciyaartii ay Mexico kaga adkaadeen 3-2.

17 jirkan oo bisha July soo gaadhi doona Real Madrid marka ay da’diisu noqoto 18 jir, ayaa waxa uu beddel kusoo galay ciyaar saaxiibtinimo oo u dhaxaysay Mexico iyo Brazil oo ay iskugu diyaarinayeen ciyaaraha Copa America, waxaana uu goolka guusha dhaliyey daqiiqaddii 96aad iyadoo garsooruhu uu afka ku hayo siidhiga dhamaadka.

Labada gool ee kale ee Brazil ayaa waxa kala dhaliyey qaybtii hore Andreas Pereira iyo Gabriel Martinelli oo kusoo bilowday, halka Mexico ay goolasheeda saxeexeen Julian Quinones iyo Guillermo Martinez.

Endrick ayaase ay u ahayd habeen uu taariikhda galay markii uu la kulmay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Vinicius Junior oo uu madax ku dhamaystiray, isla markaana garoonka Kyle Field ee magaalada Texas ee waddanka Maraykanku uu mar kaliya isla oogsaday.

17 jirkan ayaa waxa uu goolkani ka dhigay ciyaartoygii labaad ee ugu da’da yaraa ee saddex gool u dhaliya xulka qaranka Brazil, waxaana kaliya ka horreeyey Pele oo rikoodhkan oo kale sameeyey 78 sannadood ka hor.

Endrich ayaa waxa uu hore laba gool ugu soo dhaliyey Brazil ciyaarihii saaxiibtinimo ee bishii March ee sannadkan, isaga oo shabaqooda soo taabtay England oo ay ku garaaceen garoonka Wembley Stadium iyo Spain oo ay barbarro 3-3 ah kula galeen garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu.

Si kastaba ha ahaatee, Endrick ayaa waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda xulka qaranka Brazil ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Latin America ee Copa America, waxaana Brazil ay Group D ku wada jiraan Costa Rica, Paraguay iyo Colombia, iyagoo ciyaartooda koowaad ee ay tartanka ku furanayaan la ciyaari doona Costa Rica maalinta Isniinta ee June 24 oo ay isku haleeli doonaan garoonka SoFi Stadium ee Inglewood ee waddanka Maraykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*