DEG-DEG: Manchester United Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Gaadhay Jadon Sancho


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga reer England ee Jadon Sancho ee amaahda amaahda loogu diray Borussia Dortmund, kaddib markii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag.

Manchester United ayaa muddo laga sugayey in ay go’aan ka gaadho Jadon Sancho oo hore u xaqiijiyey, in aanu doonayn in uu dib ugu soo laabto Old Trafford inta uu joogo tababare Erik ten Hag oo isagana kooxda laga sugayo inay go’aan ka gaadho.

Jadon Sancho oo sannadkii 2021 ay Manchester United lacag dhan £73 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Borussia Dortmund, ayaa waxa ay hadda kaliya ku xaraashaysaa lacag dhan £40 milyan oo Gini.

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegtay, in Jadon Sancho ay hadda uga dhamaatay Manchester United oo kaliya ay Red Devils sugayso in dalabyo laga soo gudbiyo laacibkan oo bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada intii uu amaahda ku joogay Borussia Dortmund, taas oo uu ka caawiyey inay yimaaddaan finalka Champions League oo ay Real Madrid 2-0 kaga badisay kulankii Wembley oo ay kooxda reer Spain koobka ku qaadday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*