“Waan Taageerayaa Go’aankan…” Rodrygo Oo Shaaciyey Xiddiga Uu La Doonayo Abaal-marinta Ballon d’Or


Xiddiga reer Brazil ee garabka weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Rodrygo Goes ayaa rumaysan in uu abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or uu ku guuleysan doono Vinicius Junior oo ay u wada ciyaaraan Real Madrid iyo xulka Brazil.

Vinicius Juniro ayaa hoggaaminaya xiddigaha loo saadaalinayo inay abaal-marinta sannadkan midkood calfan doono, isaga oo kooxdiisa Real Madrid u qaaday Champions League iyo horyaalka LaLiga, isla markaana dhaliyey goolal muhiim ahaa.

Waxa kale oo uu Vinicius Junior saddex gool ka dhaliyey finalkii Spuercopa de Espana ee ay Barcelona koobka ka qaadeen.

Abaal-marinta Ballon d’Or oo sannadkan la bixin doono bisha September, ayaa waxa Rodrygo Goes uu ku dooday inuu ku guuleysan doono Vinicius Junior, waxaanu yidhi: “Waynu ognahay in Vini uu yahay murashax weyn oo ku guuleysanaya, aniguna waan taageerayaa go’aankan sababoo ah waa saaxiibkayga aanu isku kooxda nahay.”

Mar la weydiiyey haddii isagu shaqsiyan uu jeclaan lahaa inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or, waxa uu ku jawaabay: “Aniga hadda muhiimaddaydu ma aha inaan raadiyo ku guuleysiga Ballon d’Or, balse waa abaal-marin uu ciyaartoy kastaa ku riyoodo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*