Sababta Uu Kylian Mbappe Uga Maqan Yahay Tababarka Xulka Qaranka France Oo Walaac Ku Abuurtay Didier Deschamps


Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ka maqan tababarka xulka qarankiisu uu iskugu diyaarinayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana soo baxaya warar walaac ku abuuraya tababare Didier Deschamps oo sheegaya in laacibkani uu qabo dhaawac dhabarka ah oo ka joojin karaya inuu dheelo tartankaas.

Kylian Mbappe oo ahaa kabtanka xulka qaranka France tan iyo March 2023 oo uu ka beddelay Hugo Lloris oo hawlgab ka noqday ciyaaraha caalamiga ah, ayaa waxa dalkiisu uu ciyaarta koowaad ee tartanka Euro 2024 uu dheeli doonaa Isniinta toddobaadka dambe ee June 17.

Saxeexan cusub ee Real Madrid, ayaa la sheegay in uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah oo aan faahfaahin badan laga bixinin oo uu kaga maqnaaday tababarkii Sabtidii, waxaana uu walaaca kusii kordhiyey tababare Didier Deschamps oo hore ay xanuun ugu hayeen ciyaartoyda dhaawacyada la daalaa-dhacaya ee Kingsley Coman, Aurelien Tchouameni iyo Adrien Rabiot oo inkasta oo ay dhaawacan yihiin uu haddana Deschamps kusoo darsaday xulka qarankiisa.

Caawa ayaa waxa uu xulka qaranka France la ciyaari doonaa Canada kulan saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayaan Euro 2024, waxaana la eegi doonaa haddii uu Kylian Mbappe awoodi karayo inuu ciyaaro.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska L’Equipe ayaa sheegay in Kylian Mbappe aanu qabin wax cabsi ah oo ka joojin karaysa inuu ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, sidoo kalena ay suurtogal tahay inuu beddel ku yimaaddo ciyaarta Canada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*