Miyaa La Duminayaa Kooxda? Barcelona Oo Loo Diiday In Loo Diiwaangeliyo SAGAAL Ciyaartoy Iyo Qalalaasaha Ay Gelayso Blaugrana


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku jirta xaalad madax-xanuun ah, waxaana lagu wargeliyey in aan xilli-ciyaareedka soo socda loo diiwaangelin doonin sagaal ciyaartoy oo kooxda koowaad ah, isla markaana aanay Barca kasoo kabannin xaaladdii adkayd ee dhaqaale-xumada ahayd ee ay ku jirtay labadii sannadood ee ugu dambeeyey.

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa Barcelona ku qasbay inay raadsato lacag xagaagii hore, waxaanay iibiyeen istuudiyahoodii baahinta wararka iyox ogta ciyaaraha, sidoo kalena waxa ay xaraasheen xuquuqdii baahinta ee muddo toban sannadood ah, halka garoonka Camp Nou ay magaca ka beddeleen oo ay ka dhigeen Sportify Camp Nou oo ay shirkad kula heshiiyeen.

Waxa kale oo hore loogu qasbay inay dhimaan mushaharka ciyaartoydooda sannadihii 2022 iyo 2023, hase yeeshee hadda ayay xaaladdu kaga sii adkaan doontaa.

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa soo saaray jaan-goynta mushaharka ugu badan ee ay kooxuhu bixin arayaan xilli-ciyaareedka soo socda, waxaana Barcelona loo qoondeeyey in mushaharka ciyaartoydeedu aanu dhaafin £232 milyan oo Gini, halkii uu hore uga ahaa £558 milyan oo Gini.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Barcelona ayaa lagu qasbayaa in ay qasnaddeeda ku shubto lacag dhan €130 milyan oo Euro inta ka horreysa June 30, haddii kale waxa loo diidi doonaa in loo diiwaangeliyo sagaal ciyaartoy oo hadda kooxda koowaad ka tirsan, sidoo kalena looma ogolaan doono in tababare Hansi Flick uu saxeexyo cusub sameeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*