Luke Shaw Oo Dhaawacyadiisa Ku Eedeeyey Tababare Erik Ten Hag & Kooxdiisa Manchester United


Difaaca bidix ee reer England ee Luke Shaw ayaa eedaymo culus u jeediyey dhakhaatiirta Manchester United iyo tababare Erik ten Hag oo uu ku eedeeyey inay sabab u yihiin dhaawacyadii uu la daalaa-dhacayey xilli-ciyaareedkii tegay.

Luke Shaw ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii February, waqtigaas oo uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah oo dibedda ka dhigay ciyaaraha kooxdiisa, hase yeeshee waxa uu kasbaday kalsoonida tababare Gareth Southgate oo kusoo daray xulka qaranka dalkiisa ee ka qayb-gelaya ciyaaraha Euro 2024.

Laacibkan ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaar ay kooxdiisu la dheeshay Aston Villa oo uu ka baxay iyadoo ciyaartu socota markii uu xanuun dareemay, hase yeeshee toddoba maalmood kaddib ayaa tababaraha iyo dhakhaatiirtu ay ku qasbeen inuu ciyaaro kulankii Luton Town, isaga oo waliba hal maalin kaliya tababar sameeyey.

Shaw ayaa waxa uu dareensan yahay, in sababta dhaawacyadiisu ay ahayd go’aanka qaldan ee tababaraha iyo dhakhaatiirtu ay qaateen ee ahaa inay ku qasbeen inuu ciyaaro isaga oo aan taam ahayn.

Warbaahinta ayuu uga warramay dhaawacyadiisa, waxaanu yidhi: “Qof walba qaybtiisa ayuu yeelanayaa qaladka dhaawacayaga. Anigu qalad ayaan leeyahay, shaqaalaha caafimaadkuna qayb ayay leeyihiin, tababaruhuna qaybtiisa ayuu leeyahay. Waxay ila tahay inay habboon tahay in qof walba ay tahay inuu qirto qaladkiisa.

“Scan-ku wax badan ma aanu sheegin. Toddobaadkii oo dhan tababarka ma samaynin, kaliya maalintii ciyaarta ka horreysay ayaan tababarka sameeyey, haddii uu tababaruhu igu yidhaahdo ciyaar ‘miyaan diidi karayaa?’, waligay ma diidayo, laakiin ma ahayn in aan ciyaaro.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*