Manchester United Oo Xulatay Tababarihii Ay Ku Beddeli Lahayd Erik ten Hag


Tababaraha reer Netherlands ee Erik ten Hag ayaa ka cadhaysan kooxdiisa Manchester United oo uu saluugsan yahay inay dib u dhigeen waqtiga ay go’aanka ka gaadhayaan mustaqbalkiisa iyadoo sidoo kalena ay soo baxayaan magacyada qaar ka mid ah tababareyaasha ay Red Devils u xulatay inay ku beddesho Ten Hag.

54 jirkan oo xilli-ciyaareedkii tegay ay kooxdiisu ku dhamaysatay kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League, balse koobka FA Cup oo ay ku guuleysteen uu sababay in boos laga siiyo tartanka Europa League oo ay kasoo qayb-ge’li doonaan xilli-ciyaareedka dambe.

Sir JIm Ratcliffe iyo maamulka kale ee Manchester United ayaa la sheegay inay xusheen tababare cusub oo ay ku beddelayaan Erik ten Hag, waxaanay calaamadsadeen Mauricio Pochettino iyo Graham Potter oo midkood loo magacaabi doono, sida uu sheegay wargeyska The Sun.

Labadan tababare ee Chelsea laga caydhiyey ayaa shaqo la’aan ah waqtigan, waxaanay ku jiraan safka hore ee tababareyaasha uu la dhacsan yahay Sir Jim Ratclife.

Dhinaca kale, Erik ten Hag ayaa la sheegay inuu ka cadhaysan yahay in kooxdu ay la habsaantay go’aanka ay ka qaadanayso mustaqbalkiisa, waxaana uu u arkaa inay tahay sharaf dhac ay kooxdu kula kacayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*