Jose Mourinho Oo Saadaaliyey Xaaladda Cristiano Ronaldo Kala Kulmayo Euro 2024 Iyo Rajada Xulka Talyaaniga


Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa saadaaliyey xaaladda xiddiga ay isku waddanka yihiin ee Cristiano Ronaldo uu kula kulmayo tartanka Euro 2024 ee Jimcaha ka furmaya waddanka Germany, waxaana Mourinho uu ku dooday in xulka difaacanaya koobka ee Talyaanigu aanay lahayn awood ay mar labaad ugu guuleystaan tartankan.

Ronaldo ayaa inkasta oo xulka qarankiisu uu maanta guuldarro 2-1 ah kala kulmay Croatia oo ay kulan saaxiibtinimo dheeleen, waxa uu isku diyaarinayaa in uu dalkiisa u ciyaaro tartankii 11aad, isaga oo markii koowaad ee dalkiisa uu u safto ay ahayd Euro 2004 oo isaga oo 17 jir ah uu kasoo muuqday tartankaas.

39 jirkan ayaa ku dhamaystay xilli-ciyaareedkii tegay isaga oo hoggaaminaya gool-dhalinta horyaalka Sucuudiga, isla markaana 51 ciyaarood oo uu u saftay Al-Nassr u dhaliyey 50 gool.

Xulka Portugal ayaa haysta weeraryahanno badan oo ay tayadoodu sarrayso, sida Diogo Jota, Goncalo Ramos iyo Joao Felix, hase yeeshee Mourinho ayaa waxa uu rumaysan yahay in Cristiano Ronaldo uu si joogto ah ugu soo bilaaban doono oo aanu booskiisu gorgortan geli doonin inta uu socdo tartankan oo 20 sannadood ka hor uu kulankiisii u horreeyey saftay, waxaanu yidhi: “Tababaruhu wuu garanayaa Ronaldo.

“Cristiano isaga ayaa ah qofka garanaya sida uu dareemayo, waxa uu yoolkiisu yahay, sida uu tababarihiisu u isticmaalayo, haddii uu daqiiqad kasta oo kulan kasta ah ciyaarayo iyo haddii waqtiyada qaarkood la ilaalinayo.

“Wax badan ayaa dhici karaya, laakiin anigu waxa aan ogahay inuu saamayn badan yeelan doono iyo inuu goolal dhali doono.”

Intaas kaddib ayaa uu ka hadaly xulka qaranka Talyaaniga, waxaanu yidhi: “Anigu ma aaminsani in xulka Talyaanigu ay leeyihiin tayo iyo awood ay ku difaacdaan koobka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*