Alexis Mac Allister Oo Daboolka Ka Qaaday Taladii Uu Jurgen Klopp Ka Siiyey Hadal-haynta Real Madrid


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Alexis Mac Allister ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu sii joogo Anfield, inkasta oo lala xidhiidhinayo kooxda reer Spain ee Real Madrid, waxaana uu sidoo kale daboolka ka qaaday taladii uu ka helay Jurgen Klopp markii ay soo baxeen wararka sheegaya inay doonayso Real Madrid.

Alexis Mac Allister oo ay da’diisu tahay 25 jir ayaa bandhig heersare ah ka sameeyey kooxdiisa Liverpool xilli-ciyaareedkiisii koowaad, iyadoo xagaagii hore ay Reds £55  milyan oo Gini kaga soo iibsatay Brighton.

Warbaahinta waddanka Argentina ayaa bishii May, waxa ay baahiyeen war ay ku sheegeen in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay doonayso inay la saxeexato Mac Allister, hase yeeshee laacibkan ayaa xaqiijiyey in aanu ku riixi doonin kooxdiisa inay iibiyaan, xataa haddii uu dalab ka helo Real Madrid.

Waraysi uu siiyey warbaahinta TyC Sports ayuu Mac Allister ku yidhi: “Dabcan sharaf ayay ii tahay in aan u ciyaaro Liverpool, waxa ay ka mid tahay kooxaha ugu wanaagsan dunida, waana naadi aan aad u qiimeeyo, laakiin sidii aan horeba u sheegay, anigu ma jecli in aan ka hadlo wararka ku-tidhi-kuteenka ah.”

Mac Allister ayaa waxa uu sidoo kale shaaciyey waanadii uu ka helay Jurgen Klopp markii uu soo baxay warka sheegaya inay Real Madrid doonayso, waxaanu yidhi: “Klopp wuxuu ii sheegay in aan joogo kooxdii ku habboonayd korriinkayga ciyaareed.

“Markii uu tegayay, xabbadka ayuu i geliyey, waxaanu igu yidhi ‘waxa aan ka xumahay in aynu waqti kooban wada-joognay’. Aad ayaan u faraxsanahay oo aan ugu raaxaysanayaa Liverpool.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*