Declan Rice Oo Guul-darradii Xulka England Ee Xalay Ku Eedeeyey Xiddig Manchester United Ah


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Declan Rice ayaa canaan u jeediyey da’yarka Manchester United ee Kobbie Mainoo oo dusha u saaray canaanta guul-darradii xulka qaranka England kasoo gaadhayc iayartii saaxiibtinimo ee Iceland.

Kobbie Mainoo oo xilli-ciyaareedkan bandhig fiican muujiyey, ayaa waxa dhawr jeer lumiyey kubbado, halka uu sidoo kalena u muuqanayey in aanu la haysanin qaab ciyaareedka xulkiisa.

18 jirkan oo uu tababare Gareth Southgate ku qancay bandhiggii uu ka sameeyey garoomada xilli-ciyaareedkii tegay oo uu Manchester United ka caawiyey inay ku guuleysato FA Cup oo uu finalkiina gool u dhaliyey, ayaa waxa uu Declan Rice ku canaantay goolkii uu Iceland u dhaliyey Jon Thorsteinsson.

Isaga oo warbaahinta la hadalyey Rice ayuu yidhi: “Haa, waxa aanu guuleysanay kulamadii bishii March, waxaananu u muuqanay kuwo wanaagsan. Haddana waan qiyaasi karayaa guul-darradan, sababtoo ah waxa naga maqnaa ciyaartooyo wanaagsan. Kobbie Mainoo ayaa isaguna ahaa carruur.

“Anigu waan da’ yarahay, doorkhayada kale ee khadka dhexe way da’yar yihiin. Markaa, waxa aanu u baahanahay in aanu maalin walba wax barano iyo in aanu kubbad qurux badan dheelno.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*