RASMI: Lambarrada Ciyaartoyda Xulka Qaranka England Ee EURO 2024 Oo La Shaaciyey


Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey lambarrada ciyaartoyda dalkaas ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana isbeddel uu ku yimid Trent Alexander-Arnold oo loo xidhay lambar qish ka bixinaya inuu ka ciyaari doono khadka dhexe.

Tababare Gareth Southgate oo Khamiistii soo saaray liiska 26ka ciyaartoy ee ugu dambayn uu u xushay inay tartankan ka qayb-galaan, isla markaana liiskiisa ka saaray ciyaartooyo ay ka mid yihiin Jack Grealish, James Maddison iyo Harry Maguire, ayaa waxa ay xalay la kulmeen guul-darro 1-0 ah oo kasoo gaadhay waddanka Icelna.d

England oo kulankooda koowaad ee Euro 2024 ku furan doona Serbia oo ay la ballansan yihiin June 16, ayaa waxa lambarka 9 xajistay Harry Kane oo ay caddayd in aanay cidina ku qabsan doonin, sidoo kalena Jordan Pickford ayaa sii ahaan doona goolhayaha koowaad ee xulka England, balse Declan Rice ayaa loo xidhay No.4, halka John Stones uu xajistay No.5, iyadoo Guehi uu beddelay Harry Maguire oo uu No.6 la wareegay, waxaana No.2 haysta Kyle Walker, halka Trent Alexander-Arnold loo raray No.8 oo ay u badan tahay in uu khadka dhexe ka dheeli doono.

Xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa loo geliyey No.10 isaga oo kasoo guuray No.22 oo uu hore u xidhan jiray, sidoo kalena khadka dhexe ee Manchester City ee Phil Foden ayaa xidhan doona No.11

Halkan kaga bogo lambarrada ciyaartoyda xulka England 

1 Jordan Pickford

2 Kyle Walker

3 Luke Shaw

4 Declan Rice

5 John Stones

6 Marc Guéhi

7 Bukayo Saka

8 Trent Alexander-Arnold

9 Harry Kane

10 Jude Bellingham

11 Phil Foden

12 Kieran Trippier

13 Aaron Ramsdale

14 Ezri Konsa

15 Lewis Dunk

16 Conor Gallagher

17 Ivan Toney

18 Anthony Gordon

19 Ollie Watkins

20 Jarrod Bowen

21 Eberechi Eze

22 Joe Gomez

23 Dean Henderson

24 Cole Palmer

25 Adam Wharton

26 Kobbie Mainoo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*