Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Iyo Qodobbada Xiisaha Leh Ee Dunidu Hadal Hayso


Eberechi Eze oo weerarka uga ciyaara xulka England iyo kooxda Crystal Palace ayaa la ogaaday in qandaraaskiisa lagu burburin karayo £60 milyan oo Gini, waxaana kooxaha raadinaya ka mid ah Tottenham. (Mail)

Aston Villa ayaa loo sheegay in ay ciyaartoydeeda xaraashto oo ay qasnaddeeda ku shubto lacag dhan £60 milyan oo Gini, si ay uga badbaaddo in la ganaaxo, maadaama ay ku eedaysan tahay inay jabisay sharciga dhaqaalaha. (Football Insider)

Khadka dhexe ee Brazil ee Bruno Guimaraes ayaa albaabada ka xidhay kooxaha doonaya ee Arsenal iyo Manchester City, waxaana uu ku dooday inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa hadda ee Newcastle. (Mirror)

Halyeygii Chelsea ee Frank Lampard oo 45 jir ah ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto shaqada tababarenimada, waxaana uu haystaa dalabyo aan la xaqiijin halka ay uga yimaaddeen. (Talksport)

Tababarihii hore ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskajer ayaa dib ugu soo laabanaya horyaalka Premier League, waxaana loo magacaabayaa macallinka kooxda Leicester City. (Sun)

Bayern Munich waxa ay wada-hadallo dib ula furtay xiddiga reer Portugal ee Joao Palhinha oo khadka dhexe uga ciyaara Fulham, waxayna doonaysaa in ay kaliya ku iibsato 45 milyan oo Euro. (Sky Sports)

Difaaca bidix ee Arsenal iyo xulka Scotland ee Kieran Tierney oo 27 jir ah ayaa doonaya inuu dib ugu noqdo kooxdiisii hore ee Celtic xagaagan. (Football Insider)

Manchester City waxa ay bartilmaameed ka dhigatay khadka dhexe ee Crystal Palace iyo xulka England ee Adam Whartop oo ah 20 jir wacdaro ka dhigay ciyaarihii saaxiibtinimo ee xulka qarankiisa. (Standard)

Liverpool ayaa luminaysa goolhayaheeda labaad ee Coaimhm Kelleher xagaagan, waxaana 25 jirkan doonaya kooxaha Celtic iyo Brentford. (Liverpool Echo)

Liverpool waxa ay culayskeeda iskugu geynaysaa sidii ay u heli lahayd khadka dhexe ee reer Argentina ee Alan Varela oo ah 22 jir u ciyaara FC Porto. (Football Insider)

Tottenham iyo Bayern Munich waxa ay isku haystaan garabka weerarka kooxda Stuttgart ee Chris Fuhrich oo ah 26 jir u dhashay waddanka Germany. (Bild)

Napoli waxa ay doonaysaa inay la saxeexato weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo 31 jir ah, laakiin waxa ay kaliya doonaysaa inay Blues kaga iibsato 15 milyan oo Euro iyo 3 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa. (La Repubblica)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*