“Berri Ayaan Ku Biiri Lahaa…” – Xiddig Arsenal Ah Oo Magacaabay Koox Aan Ahayn Gunners Oo Uu Jecel Yahay


Difaaca kooxda kubadda cagta Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa magacaabay koox uu jecel yahay oo uu isla berri ku biiri lahaa haddii uu ka tago Arsenal, taas oo aanu xataa ka fikireen go’aanka uu uu wareegayo.

Xiddigan reer Brazil oo sannadkii 2020 ay Arsenal £27 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Lille, ayaa waxa uu tiir dhexaad u ahaa Gunners oo labadii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyey kaalinta labaad ka gashay horyaalka Premier League.

Waqtigii ay Arsenal la saxeexanaysay, waxa ay ku garaacday oo ay ka hor qaadday kooxo ay ka mid yihiin Manchester United, Everton iyo Fiorentina oo si weyn u doonayey, waxaana xilli-ciyaaeedkii 2022/23 uu dheelay kulan kasta isaga oo kasoo muuqday 36 ciyaarood oo Premier League

Waraysi uu siiyey warbaahinta ESPN ayaa Gabriel Magalhaes lagu weydiiyey kooxda aan Arsenal ahayn ee uu jeclaan lahaa inuu u dheelo, waxaanu ku jawaabay: “Kooxda aan ugu jecelahay? Waa Corinthians. Waa kooxda aan jeclaa tan iyo maalintii aan dhashay. Wali waan daawadaa tababarka kooxdan, waa naadiga aan ku riyoodo ee aan jecelahay in aan u dheelo. Haddii aan ka tago Arsenal, berri ayaan ku biiri lahaa, kamana fikireen.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*