Rio Ferdinand Oo Magacaabay SADDEX Xul Ee Midkood Ku Guuleysanayo Tartanka Euro 2024


Halyeyga reer England ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay saddexda xul ee midkood ku guuleysan doono tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee toddobaadka dambe ka bilaabmaya waddanka Germany oo uu muddo bil ku dhow ka socon doono.

Jimcaha toddobaadka dambe ayaa waxa tartanka Euro 2024 lagu furi doonaa garoonka Bayern Munich ee Allianz Arena oo ay ku dheeli doonaan xulka martigelinaya ee Germany iyo Soctland.

24 waddan ayaa ka qayb-gelaya tartanka oo finalkiisa la ciyaari doona 14ka July, waxaana si weyn indhaha loogu hayaa xulka martigelinaya ee Germany oo sannadihii ugu dambeeyey kubaddiisu liidatay, Talyaaniga oo koobka difaacanaya, England oo ah dal awood badan, Faransiiska iyo Portugal oo Cristiano Ronaldo uu cimrigiisa ciyaareed gabaabsi sii hayay.

Ferdinand oo la weydiiyey saadaashiisa tartanka Euro 2024, ayaa waxa uu magacaabay saddex xul oo aanay ku jirin martigeliyeyaasha Germany iyo Talyaanigu, kuwaas oo uu sheegay in uu midkood ku guuleysan doono.

“Waxay ila tahay, in Portugal, England ama France ay yihiin saddexda waddan ee uu midkood ku guuleysanayo. Anigu ma arko waddan kale oo qaadi karaya.”

Xulka qaranka Ingiriiska oo koob uu ku guuleysto ay ugu dambaysay sannadkii 1966kii, ayaa sannadkan aad loo hadal hayaa, laakiin Faransiiska ayaa isaguna dal xooggan oo haysta ciyaartooyo tayadoodu sarrayso oo ay da’doodu yar tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*