Toni Kroos Oo Shaaciyey Shaqada Uu Qaban Doono Kaddib Markii Uu Ka Fadhiistay Kubadda Cagta


Halyeyga Real Madrid iyo xulka qaranka Germany ee Toni Kroos ayaa shaaciyey shaqada uu qaban doono kaddib markii uu soo gabogabeeyey ciyaarista kubadda cagta oo kooxdiisa Los Blancos uu kusii macasalaameeyey finalkii Champions League, isla markaana xulka qarankiisa Germany uu ku sagootinayo ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024.

Toni Kroos oo la isku raacsan yahay inuu ku jiro waqtigiisii ugu fiicnaa kubadda cagta ayaa qaatay go’aan lama filaan ah oo uu hawlgab kaga noqday kubadda cagta, waxaana uu kusoo gunaanaday waayihiiisa Los Blancos finalkii Champions League ee ay 2-0 kaga adkaadeen Borussia Dortmund, kaas oo ahaa Champions League-gii lixaad ee uu ku guuleysto.

34 jirkan ayaa go’aanka uu qaatay uu layaab ku noqday jamaahiirta, ayaa waxa uu shaaciyey inuu dib ugu soo laabanayo Real Madrid xilli-ciyaareedka soo socda oo uu shaqo cusub oo kooxda da’yarta ah ka qaban doono.

Waraysi uu siiyey wargeyska The Kicker oo lagu weydiiyey mustaqbalkiisa ayaa waxa uu Toni Kroos ku yidhi: “Waxa aan ka shaqayn doonaa kulliyadda da’yarta Real Madrid. Waxa aan sidoo kale ka shaqayn doonaa Icon League oo uu aas-aasay Elias Nerlich oo bisha September bilaabmaya.

“Laakiin waa in aan caddeeyo, in aanan dooranayn 18 mashruuc oo aan ku dhamaysto dariiqa sidii markii aan ahaa ciyaartoyga oo kale.

“Waxa kale oo aan la shaqayn doonaa walaalkay oo aan Podcast-ka la daadihin doono.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*