Lionel Messi Oo Magacaabay LABADA Kooxood Ee Ugu Wanaagsan Adduunyada


Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa magacaabay labada kooxood ee ugu wanaagsan dunida waqtigan, kuwaas oo uu ku xushay heerkooda ciyaarood oo uu sheegay inuu aad u sarreeyo iyo natiijooyinka amaba guulaha ay kasoo hoynayaan garoomada oo ka sarreeya kooxaha kale.

Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 36 jir oo u warramayay Argentine TV, isaga oo isku diyaarinaya ciyaaraha Copa America ee dalkiisu uu difaacanayo ee bishan bilaabmaya, iyaga oo Group A ku wada jira Canada, Chile iyo Peru, ayaa waxa uu ku dooday in dalkiisu uu haysto fursad fiican iyo kalsooni uu ku difaacan karayo koobka.

“Waxay ila tahay in Argentina ay mar walba tahay kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato Copa America. Marka uu tartan bilowdo, ha noqdo Koobka Adduunka, Copa America amaba mid kale, Argentina waa murashax sida Brazil oo kale.”

Lionel Messi oo sidoo kale xulka qarankiisa u qaaday Koobkii Adduunka ee 2022 lagu qabtay waddanka Qatar oo finalkii ay rikoodheyaal kaga badiyeen France, ayaa waxa la weydiiyey kooxda ugu wanaagsan naadiyada kubadda cagta waqtigan, waxaanu ku jawaabay: “Real Madrid ayaa ah kooxda ugu wanaagsan adduunyada. Haddii aad eegto natiijooyinka, Real Madrid ayaa ugu wanaagsan.

“Haddii aad egto, heerka ciyaartana, Manchester City ayaa ugu fiican dunida.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*