Ciyaartoyda Xulka England Oo Ka Cadhooday Xulashada Tababare Southgate & Wixii Ka Dhacay Garoonka Tababarka


Ciyaartoyda xulka qaranka Ingiriiska ayaa ka cadhooday liiska kama dambaysta ah ee uu soo xushay tababare Gareth Southgate, waxaanay ku dhiirradeen inay ugu tagaan xafiiskiisa iyaga oo ka gadoodsan go’aamada uu qaatay oo ay u arkaan kuwo xagal-daacinaya hammigoodii ahaa inay soo afjaraan abaarta koobab la’aanta ee dalkooda haysatay tan iyo sannadkii 1966kii.

Gareth Southgate ayaa shalay shaaciyey liiska 26ka ciyaartoy ee dalkiisa uga qayb-gelaya tartanka Euro 2024 ee toddobaadka dambe ka bilaabaya waddanka Germany, waxana uu liiskii uu hore usoo gudbiyey ka saaray toddoba ciyaartoy oo kala haa James Maddison, Curtis Jones, Jarell Quansah, James Trafford, Harry Maguire iyo Jarrad Branthwaite.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, ciyaartoyda xulka England ayaa ka cadhooday in Southgate uu xulka ka saaray Jack Grealish, waxaanay ku tilmaameen arrin layaableh oo aan marnaba laga filaynin.

Tiro ciyaartoyda waaweyn ee xulka England ah ayaa u tegay tababare Southgate waxaanay weydiiyeen sababta uu u reebay Grealish oo ay u arkayeen inuu muhiim u noqon lahaa xulkooda, maadaama uu ku jiro xiddigaha waqtigan lagu tilmaamo inay ugu khibradda badan yihiin xulkaas.

Grealish ayaa waxa uu hore ugala qayb-galay xulka dalkiisa tartamadii Euro 2020 iyo Koobkii Adduunka 2022, isaga oo guud ahaan dalkiisa u saftay 36 ciyaarood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*