Manchester United Oo Calaamadsatay SADDEXDA Difaac Ee U Beddelaya Raphael Varane


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dooratay saddexda ciyaartoy ee difaaca ah ee ay midkood la saxeexan doonaan, si ay u buuxiyaan booska uu ku banneeyey xiddiga reer France ee Raphael Varane oo si xor ah uga tegay xagaagan.

Manchester United ayaa liiska ciyaartoyda ay fasaxday ku dartay Varane oo isaguna hore usii sheegay inuu soo afjaray waqtigiisii Manchester United oo ahaa mid ay dhaawacyo daashadeen, waxaana hadda ay Manchester United suuqa u gelaysaa beddelkiisa.

Red Devils oo xilli-ciyaareedkii tegay ku guuleysatay FA Cup, ayaa ka maqnaan doonta tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe waxayse diyaar u tahay inay kooxaha kasoo qayb-gelaya Champions Leage kula tartanto saxeexyo waaweyn.

Saddexda difaac ee Leny Yoro oo ay sidoo kale doonayso Real Madrid, Jean-Clair Todiobo iyo Goncalo Inacio oo ay raadinayso Liverpool ayaa ay Manchester United ku darsatay qorshaheeda suuqa xagaagan.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe, Leny Yoro ayaa waxa ay kooxdiisa Lille go’aamisay in ay ku iibiso £50 milyan oo Euro, balse Man United ayaa kaliya la shir tegaysa £35 milyan oo Euro, taas oo fursad siin karaysa Real Madrid. 18 jirkan ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkii tegay u saftay naadigiisa 44 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saddex gool u dhaliyey.

Inacio oo u dhashay Portugal oo ay da’diisu tahay 22 jir ayaa isagu ku jira xaalad ka duwan Yoro, waxaana qandaraaskiisa Sporting Lisbon lagu burburin karayaa £51 milyan oo Gini, halka OGC Nice ay ku dhegsan tahay difaaceeda reer France ee Jean-Clair Todibo oo qiimihiisa lagu sheegay £1 milyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*