RASMI: Xulka Qaranka Argentina Ee Olombikada Adduunka Oo La Shaaciyey


Xulka qaranka Argentina ee ka qayb-gelaya ciyaaraha Olombikada ee xagaaga soo socda ayaa lasoo saaray, waxaana ka maqan oo aan xataa hal ciyaartoy lagaga soo darin xiddigaha dalkaas ee ka dheela horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Ciyaaraha Olombikada Adduunka oo sannadkan lagu qabanayo waddanka Faransiiska, ayaa waxa ay furmi doonaan Jyly 14 oo magaalada Paris ay martigelinayso furitaanka iyo finalka, waxaanay socon doonaan illaa August 10.

16 waddan ayaa ka qayb-gelaya ciyaaraha olombikada ee kubadda cagta ee wiilasha iyo sidoo kale 12 xul oo haween ah oo iyagana gaarkooda u loollami doona.

Kaliya shanta waddan ee France, Japan, New Zealnd, Spain iyo Maraykanka ayaa ka wada qayb gelaya tartanka wiilasha iyo gabdhaha intaba oo kusoo gudbay isreeb-reebkii ay soo galeen.

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee da’yarta oo ah haleygii Barcelona iyo Liverpool ee Javier Mascherano, ayaa soo xushay liiska 23 ciyaartoy oo ka qayb-geli doona tartankaas, waxaan uu ka tegay da’yarka Manchester United ee Alejandro Garnacho oo uu u dhaafay xulka koowaad ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Latin America ee Copa America oo la dheelayo xagaagan.

Mascherano ayaase soo qaatay khadka dhexe ee kooxda Atalanta ee Thiago Almada iyo difaaca FC Porto ee Alan Varela.

Halkan kaga bogo xulka Argentina ee ciyaaraha olombikada

Goolhayeyaal: Leandro Brey (Boca Juniors), Fabricio Lacovich

Difaacyahanno: Marco di Cesare (Racing Club), Bruno Amione (Santos Laguna), Lucas Esquivel (Club Athletico Paranaense), Gonzalo Lujan (San Lorenzo), Kevin Lomonaco (Tigre), Joaquin Garcia (Vélez Sarsfield), Damian Fernandez (Vélez Sarsfield)

Khadka Dhexe: Ezequiel Fernández (Boca Juniors), Kevin Zenon (Boca Juniors), Cristian Medina (Boca Juniors), Juan Nardoni (Racing Club), Alan Varela (FC Porto), Santiago Hezze (Olympiacos), Thiago Almada (Atlanta United), Thiago Fernandez (Vélez Sarsfield)

Weerarka: Pablo Solari (River Plate), Claudio Echeverri (River Plate), Luciano Gondou (Argentinos Juniors), Lucas Beltran (Fiorentina), Santiago Castro (Bologna), Giuliano Simeone (Alavés)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*