LABADA Shaxood Ee Ay Real Madrid Ku Qabsan Doonto Adduunyada Kaddib Heshiiskii Kylian Mbappe Oo La Ogaaday


Real Madrid waxa ay mar kale abuurtay koox ay ku ururisay xiddigo waaweyn oo dhinac walba ka dheelli-tirin, waxaana ciyaartoygii ugu dambeeyey ee safkooda ka mid noqda uu noqday weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe.

Kaddib sannado hadal-hayn ah, Kylian Mbappe ayaa heshiis shan sannadood ah u saxeexay Real Madrid oo uu si bilaash ah ugaga soo wareegayo PSG oo toddoba sannadood ka hor lacag dhan 180 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Monaco.

Mbappe ayaa sameeyey tanaasul layaableh, waxaana uu ka tanaasulay oo uu ka daayey Real Madrid lacag dhan £51 milyan oo Gini oo ah mushaharkii uu sannadkii ka qaadan jiray PSG, waxaana kaliya ay Real Madrid siin doontaa £12.8 milyan oo Gini oo aanay cashuurtu ku jirin.

Laakiin dhinaca kale, ayaa Real Madrid waxa ay Kylian Mbappe siin doontaa £106.5 milyan oo Gini oo ah lacagta xaqal saxeexa maadaama uu bilaash ugu soo wareegay, waxaase lacagtaas loogu kala jajabin doonaa shanta sannadood ee uu heshiiskooda saxeexay oo ay marba Real Madrid qayb bixin doonto lacagtaas.

Kylian Mbappe ayaa waxa uu Real Madrid kula midoobi doonaa ciyaartooyo ay ka mid yihiin Jude Bellingham, Vinicius Jr iyo Federico Valverde oo xilli-ciyaareedkii hadda dhamaaday ku guuleystay horyaalka LaLiga, Spanish Super Cup iyo Champions League.

Weerarka dilaaga ah ee ay Real Madrid helayso xagaagan ma aha Kylian Mbappe oo kaliya, hase yeeshee dilaaga reer Brazil ee Endrick ayaa isaguna bisha July soo gaadhi doona Santiago Bernabeu markaas oo ay da’diisu noqon doonto 18 jir.

Los Blancos ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa difaaca bidix ee Bayern Munich ee Alphonso Davies, kaas oo ay u arkaan inuu ka wanaagsan yahay Ferland Mendy oo ku liita in kubbadaha uu weerarka geeyo, sidoo kalena ku khalkhala bixinta baasaska.

Carlo Ancelotti ayay u taallaa shaqo adag oo ah sida uu u kala xulanayo ciyaartoydiisa, hase yeeshee wargeyska The Sun ayaa sameeyey laba shaxood oo ay Real Madrid ku dheeli karayso oo noqon doona kuwa dunida qabsada.

Jude Bellingham oo xilli-ciyaareedkan ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoygii sannadka ee horyaalka LaLiga, da’yarkii ugu fiicnaa ee Champions League iyo waliba abaal-marinta Golden Boy ayaa waxa garabkiisa midig jooga Vinicius Junior oo ku guuleystay xiddigii ugu fiicnaa tartanka Champions League xilli-ciyaareedkan, sidoo kalena ah ciyaartoyga aadka loogu saadaalinayo abaal-marinta Ballon d’Or.

Laba shaxood ayuu Carlo Ancelotti adeegsan karaa xilli-ciyaareedka dambe, si ay kooxdiisu ugaadho guulo waaweyn oo ay u difaacan karto horyaalka LaLiga iyo Champions League ee ay labadoodaba xilli-ciyaareedkan ku guuleysatay.

SHAXDA KOOWAAD

Weerarka Real Madrid ayaa waxa uu Ancelotti ku midayn karaa saddexlayda argagaxa abuuraya ee Kylian Mbappe, Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes oo ay khadka dhexe ka caawinayaan Jude Bellingham, Fede Valverde iyo Aurelien Tchouameni.

Difaaca bidix ayaa waxa qabsan doona Alphonso Davies haddii ay dhamaystiraan heshiiskiisa, waxaana uu difaaca kula midoobayaa David Alaba, Antonio Rudiger iyo Dani Carvajal, halka Thibaut Courtois uu sii ahaanayo bir-labta goolka ku jirta ee kubbadaha aan la dhaafinayn.

SHAXDA LABAAD

Shaxda labaad waxa uu isbeddel ku samayn karayaa weerarka oo boos laga siinayo da’yarka Brazil ee Endrick iyo Kylian Mbappe oo la mataanaynayo, iyadoo la nasinayo Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes.

Waa shax ay adag tahay in ay Los Blancos ku ciyaarto, balse haddii ay duruufuhu keenaan oo ay dhaawacyo soo gaadhaan Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes ay wali Real Madrid ku badbaadi doonto oo ay guulo ku gaadhayso.

Waxa uu Carlo Ancelotti awoodda saari doonaa khadka dhexe oo uu ku midayn doono Jude Bellingham oo booska No.10 qabanaya, Luka Modric, Eduardo Camavinga iyo Aurelien Tchouaemni.

Waxa sidoo kale uu difaaca ku dheeli karaa mid gebi ahaanba ka duwan shaxda koowaad ee sare ku xusan, waxaana difaaca bidix ka dheeli doona Ferland Mendy oo ay adag tahay in la dhaafo balse liidashadiisu tahay kubbadaha oo aanu weerarka geyn iyo baaskiisa oo liita, waxaana sidoo kale kusoo garab bilaaban karaya Eder Militao, halka Andriy Lunin uu goolka ka beddelayo goolhaye Thibaut Courtois.

Shaxdan waxa ka maqan tiro ciyaartooyo ah oo dheelay finalkii Champions League, sida kabtan Nacho oo la filayo inuu ka tago naadiga, Arda Guler, Fran Garcia iyo Joselu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*