Xiddiga reer Belgium ee Kevin De Bruyne ayaa albaabada u furay kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga, waxaana uu ku dhawaaqay in wax walba uu diyaar u yahay oo albaab walba uu u furan yahay, isaga oo ka jawaabayey hadal hayn badan oo ka taagan mustaqbalkiisa.
Kevin De Bruyne oo ah kabtanka Manchester United oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu xaqiijiyey, in Sucuudiga uu ka haysto dalab uu ku sheegay inuu ku helayo lacag aanu shaqaysanin 15kii sannadood ee uu ku jiray kubadda cagta, balse uu la tashan doono qoyskiisa oo iyagana uu qish kusii bixiyey inay aad u doonayaan nolosha Sucuudiga.
Kubbad-sameeyaha reer Belgium oo waqtigan tababarka u diyaar-garowga Euro 2024 la qaadanaya xulka qarankiisa Belgium, ayaa waxa uu yidhi: “Wax walba way ii furan yihiin. Dalabyada Sucuudiga? Marka aad eegto da’dayda wax walba way ii furan yihiin.
“Waxa aad ka hadlaysaan tirooyin lacageed oo cajiib ah iyadoo xirfaddayduna dhamaad kusii dhowdahay, markaa waa in aad ka fikirto taas.
“Haddii aan laba sannadood ka ciyaaro halkaas, waxa aan xoogsan doonaa lacag aad u badan oo aanan xataa helin 15 sannadood oo aan kubadda soo ciyaarayey.
“Xaaskaygu, way ka helaysaa in aanu u guurno halkaas, waana caadi. Markaa waa in aan ka fikiro mustaqbalkayga, waana in aan kala xaajoodo qoyskayga.
Be the first to comment