Waqtiga ay kooxda kubadda cagta Real Madrid garoonkeeda Santiago Bernabeu kusoo bandhigayso saxeexeeda cusub ee Kylian Mbappe ayaa la shaaciyey, iyadoo laacibkan uu xalay saxeexay heshiis uu si xor ah ugu wareegayo kooxda reer Spain oo socon doona muddo shan sannadood ah.
Real Madrid ayaa soo gabogabaysay hadal-hayntii ugu dheerayd suuqa iibka ciyaartoyda waxaanay heshay Kylian Mbappe oo muddo toddoba sannadood ah lala xidhiidhinayey, kaas oo waliba ay si xor ah ugala wareegeen PSG.
25 jirkan ayaa xalay ay kooxdiisa cusub ee Real Madrid war-saxaafadeed ku shaacisay heshiiskiisa, isaguna waxa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada uu ku sheegay in laga bilaabo shalay uu yahay ciyaartoy Real Madrid ah.
Laacibkan ayaa la rumaysan yahay in sannadkii uu mushahar u qaadan doono lacag dhan €15 milyan oo Euro, halka sidoo kalena uu helayo lacag ka badan €100 milyan oo Euro oo xaqal-saxeex ah maadaama uu si xor ah ugu soo wareegay oo uu ka furtay lacagtii laga iibin lahaa.
Sida uu qoray wargesyka AS ee kasoo baxa magaalada Madrid, Real Madrid ayaa waxa ay garoonkeeda Santiago Bernabeu u diyaarin doontaa xafladda shaacinta iyo soo-bandhigista Kylian Mbappe badhtamaha bisha dambe ee July.
Waqtigan ayaa waxa uu laacibkani kasoo laaban doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 oo June 14 ka bilaabmaya waddanka Germany, kaas oo hadda xulka Faransiisku uu iskugu diyaarinayo magaalada Paris oo ay tababarka ku qaadanayaan, taas oo qasbaysa in dib loo dhigo waqtiga shaacintiisa.
Wargeyska AS waxa uu xusay, in 15ka ama 16ka July ay Real Madrid u qorshaysay soo-bandhigista Kylian Mbappe, ka hor inta aanu tababarka la bilaabin ciyaartoyda kooxdiisa cusub oo safar ku tegi doona waddanka Maraykanka oo ay kula soo ciyaari doonaan kooxo waaweyn oo ay ku jirto Barcelona.
Ka sokow soo bandhigista Kylian Mbappe, Real Madrid ayaa waxa sidoo kale ay isla bisha July soo bandhigi doontaa weeraryahanka reer Brazil ee Endrick.
Be the first to comment