28ka Ciyaartoy Ee Chelsea Ee Uu Enzo Maresca Ku Bilaabayo Tababarkiisa Koowaad Iyo Sagaal Waqti Dambe U Imanaya


Tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta Chelsea ee Enzo Maresca ayaa diyaarinaya tababarka iyo qorsheyaashiisa kooxdiisa cusub uu ku hagi doono, iyadoo dhamaadka bishan June ay ciyaartoyda kooxdaasi kusoo laaban doonaan garoonka tababarka.

Enzo Maresca oo Isniintii ay Chelsea si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la gaadhay heshiis shan sannadood ah, isla markaana ay magdhow siisay Leicester City oo u muuqanaysay inay ka cadhootay ka tegistiisa oo qoraal cadho ka muuqato ku sagootiday, ayaa uu tababarkiisa koowaad ku bilaabi doonaa 28 ciyaartoy oo aan ka qayb-gelaynin ciyaaraha caalamiga ah ee xagaagan ee Euro 2024, Copa America iyo Olombikada Adduunka.

44 jirkan Talyaaniga ah ayaa uu qorshuhu yahay inay ciyaartoydiisu tababar adag ku qaataan garoonka tababarka ee Cobham ee magaalada London, ka hor inta aanay u duulin waddanka Maraykanka oo bisha July iyo horraanta August ay kusoo ciyaari doonaan shan kulan oo saaxiibtinimo oo tijaabo u noqon doona.

28ka ciyaartoy ee maalinta koowaadba tababarka diyaarka ku noqon doona, waxa aan ku jirin sagaal kale oo kaga maqnaan doona ciyaaraha caalamiga ah oo waqti dambe kusoo biiri doona kooxdiisa amaba qaarkood ay kaga daba tegi doonaan waddanka Maraykanka.

Enzo Fernandes iyo Moises Caicedo ayaa waddamadooda kala qayb-gelaya ciyaaraha qaramada Latin America, sidoo kalena Conor Gallagher, Cole Palmer, Marc Cucurella, Mykhailo Mudryk, Djordje Petrovic, Armando Broja iyo Romelu Lukaku ayaa ciyaari doona tartanka Euro 2024.

Waa kuwan 28ka ciyaartoy ee uu tababarka ku bilaabi doono Maresca:

Goolhayeyaal: Robert Sanchez, Kepa Arrizabalaga, Marcus Bettinelli, Jamie Cumming, Gaga Slonina.

Difaacyahanno: Reece James, Malo Gusto, Alfie Gilchrist, Axel Disasi, Benoit Badiashile, Trevoh Chalobah, Levi Colwill, Wesley Fofana, Ben Chilwell, Ian Maatsen.

Khadka Dhexe: Lesley Ugochukwu, Carney Chukwuemeka, Cesare Casadei, Romeo Lavia, Andrey Santos.

Weeraryahanno: Raheem Sterling, Noni Madueke, Nicolas Jackson, Christopher Nkunku, Deivid Washington, Omari Hutchinson, David Fofana, Angelo Gabriel.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*