Goorma Ayaa La Shaacinayaa Liiska Kama Dambaysta Ah Ee Xulka Qaranka England Ee Euro 2024?


Xulka qaranka England ayaa laga saarayaa toddoba ciyaartoy oo dheeraad ku ahaa liiskii uu hore usoo saaray tababare Gareth Southgate, waxaana ay UEFA ka doonaysaa in uu liiska kama dambaysta ah u gudbiyo toddobaadkan.

Gareth Southgate ayaa waxa uu hore usoo saaray liis ka koobnaa 33 ciyaartoy, balse waxa sharciga UEFA uu dhigayaa in waddamadu ay soo gudbiyeen 26 ciyaartoy, taas oo ka dhigan in Southgate uu toddoba ciyaartoy ka saari doono liiskiisa.

Marcus Rashford iyo Jordan Henderson ayaa uu hore uga reebay liiskiisii hordhaca ahaa, balse waxa hadda farta lagu fiiqayaa in isaguna uu dariiqaas mari doono Jack Grealish

Ciyaartooyo dhaawacyo qaba sida Harry Maguire, Bukayo Saka iyo Harry Kane ayaase uu tababare Gareth Southgate u arkaa inay yihiin lama-taabtaan ay tahay in illaa daqiiqadda ugu dambaysa uu ka war sugo, halka Anthony Gordon oo jug fudud qaba isagana la qiimayn doono.

Southgate waxa uu hore usoo qaatay afar gool-haye, waxaana la filayaa in James Trafford uu ka saari doono liiskiisa, sidoo kalena ay meesha ka bixi doonaan ciyaartoyda Liverpool ee Curtis Jones iyo Jarell Quansah, halka Jarrad Branthwaite uu ka fursad fiican yahay Quansah.

Maalinta Sabtida ah ee June 8 oo kaliya lix maalmood ay ka hadhsanaanayaan waqtiga uu bilaabmayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, ayaa uu Gareth Southgate shaacin doonaa liiskiisa kama dambaysta ah.

Marka ay Saacadda London tahay 2pm ayaa uu shir jaraa’id qaban doonaa tababaraha xulka qaranka England oo uu liiskiisa kusoo bandhigi doono, sidoo kalena uu saxaafadda uga jawaabi doono su’aalaha ka dhasha xulashadiisa.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*