DEG-DEG: Real Madrid Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Kylian Mbappe


Kooxda kubadda cagta 1Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay lasoo wareegtay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo uu u saxeexay heshiis shan sannadood ah.

War-saxaafadeed ay Real Madrid soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay, in xiddiga reer France ee Kylian Mbappe uu yahay ciyaartoy Real Madrid oo uu qalinka ku duugay qandaraas shan sannadood ah oo soconaya illaa laga gaadhayo sannadka 2029.

War-saxaafadeedka ay Real Madrid soo saartay ayaa laguyidhi: “Kylian Mbappe oo ku dhashay Paris, France markii ay taariikhdu ahayd 12/20/1998, waa ciyaartoy cusub oo Real Madrid ah. Waxa horyaalka Yurub yimid xiddig caalami oo ay da’diisu tahay 25 jir, oo xilli-ciyaareedkan PSG usoo dhaliyey goolashiisii ugu badnaa oo 44 gool ahaa. Waxa uu ahaa ciyaartoygii ugu goolasha badnaa horyaalka waddanka Faransiiska lixdii sannadood ee ugu dambeeyey, xilli-ciyaareedkanna waxa uu dhaliyey 27 gool oo horyaalka ah.

Kooxdayadu waxay isku xoojisay weeraryahan cajiib ah, kabtanka xulka qaranka Faransiiska oo kula guuleystay Koobkii Adduunka 2018 iyo Nations League sannadkii 2021 oo uu goolal dhaliyey finaladii. Koobkii Adduunka 2022 ee lagu qabtay waddanka Qatar, Mbappe ayaa ku guuleystay kabta dabaha dahabka ah isaga oo dhaliyey siddeed gool, saddexlaydii uu ka dhaliyey finalkiina waxay ka dhigeen ciyaartoyga ugu goolasha badan finalka Koobka Adduunka oo uu afar ka dhaliyey.”

Ugu dambayntii, Real Madrid ayaa ku nuux-nuuxsatay guulihii uu Kylian Mbappe kusoo gaadhay kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain oo uu usoo dhaliyey 256 gool, isaga oo usoo qaaday lix horyaal oo Ligue 1 ah, shan French Super Cup, afar French Cup, afar League Cups, hal horyaal oo uu la qaaday kooxdiisii hore ee Monaco, iyo xulka qaranka Faransiiska oo uu kula guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 2018 iyo Nations League oo uu la qaaday sannadkii 2021.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*