Man City Oo Loo Sheegay Waqtiga Go’aanka Laga Gaadhayo Dacwadda Loo Haysto


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu wargeliyey waqtiga go’aanka laga gaadhayo dacwadda ku socota ee la xidhiidha inay jabiyeen sharciga dhaqaalaha oo ay muddo dheer sida ay doonaan ka yeelayeen.

Manchester City ayaa ku eedaysan in ay 115 jeer jabisay sharciga dhaqaalaha, sida uu shaaciyey horyaalka Premier League, waxaana jira wadnaha farta ku haya taageereyaasha oo isweydiinaya waxa uu noqon karayo go’aanka laga gaadhayo.

Premier League oo hore dhibco uga jaray kooxaha Everton iyo Nottingham xilli-ciyaareedkii dhamaaday, haddana la filayo inay naadiyo ay ku jiraan Leicester City iyo Everton ay mar kale dhibco ka jaraan bilowga xilli-ciyaareedka soo socda, ayaa waxa hadal-haynta ugu weyn ay tahay Manchester City oo bishii February ee sannadkii hore lasii xaqiijiyey in ay sharciga dhaqaalaha jabisay 115 jeer.

Sida uu qoray wargeyska Manchester Evening News, dhegaysiga dacwadda Manchester City ayaa waxa ay bilaabmi doontaa ka hor xilli-ciyaareedka 2025/26, waxaana go’aanka kama dambaysta ah lagu dhawaaqi doonaa inta aanu bilaabmin xilli-ciyaareedkaasi.

Dr. Dan Plumley oo ah khabiir dhaqaale ayaa u sheegay wargeyska MEN, in xilli-ciyaareedka soo socda ay Man City dhamaysan doonto iyadoo aan go’aanka helin, balse marka loo baxo fasaxa June 2025 uu Premier League shaacin doono go’aanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*