RASMI: Xulka Qaranka France Ee Ciyaaraha Olombikada Oo La Shaaciyey


Xulka qaranka France ee ka qayb-gelaya ciyaaraha Olombikada Adduunka ee sannadkan lagu qabanayo magaalada Paris ayaa lagu dhawaaqay, waxaana lagu soo daray weeraryahanka ruug-caddaaga ah ee Alexandre Lacazette, dhaliyaha Crystal Palace ee Michael Olise iyo weeraryahanka halista ah ee Jean-Philippe Mateta oo xilli-ciyaareedkan goolal badan ka dhaliyey horyaalka Premier League.

Thierry Henry oo ah tababaraha xulka qaranka France ee U21 ayaa noqonaya macallinka hoggaaminaya xulka dalkiisa ee ka qayb-gelaya ciyaaraha olombikada sannadkan.

Faransiiska ayaa ku jira Group A oo ay ku wehelinayaan Maraykanka oo ay ciyaarta koowaad ku wada dheeli doonaan garoonka kooxda Marseille ee Stade Velodrome 24ka July oo uu tartanku bilaabmayo, halka ciyaarta xigtana ay la dheeli doonaan Guinea oo hormadan kula jirta oo ay ballansan yihiin July 27 halka ciyaarta saddexaadna ay iska hor iman doonaan New Zealand.

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo la filayey inuu ka mid noqdo liiska ayaan ku jirin, waxaana muuqata inuu ka cudur-daartay, iyadoo go’aankaas ay ku riixaysay kooxdiisa cusub ee Real Madrid.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda xulka qaranka France ee tartanka Olombikada sannadkan

Goolhayeyaal: Lucas Chevalier (Lille), Guillaume Restes (Toulouse), Obed Nkambadio (Paris FC), Robin Risser (Strasbourg)

Difaacyahanno: Bafode Diakite (Lille), Maxime Esteve (Burnley), Bradley Locko (Brest), Castello Lukeba (RB Leipzig), Kiliann Sildillia (Freiburg), Adrien Truffert (Rennes), Lenny Yoro (Lille)

Khadka Dhexe: Maghnes Akliouche (Monaco), Joris Chotard (Montpellier), Desire Doue (Rennes), Manu Kone (Borussia Monchengladbach), Khephren Thuram (Nice), Enzo Millot (Stuttgart), Lesley Ugochukwu (Chelsea), Warren Zaire-Emery (PSG)

Weerarka: Bradley Barcola (PSG), Arnaud Kalimuendo (Rennes), Alexandre Lacazette (Lyon), Jean-Philippe Mateta (Crystal Palace), Michael Olise (Crystal Palace), Mathys Tel (Bayern Munich)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*